JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Xikmidaha Laga Faa’ideystay Dadkii Wanaagsanaa, Adigana Ku Xasuusinayo Waxyaabo Badan..

Published: December 12, 2016, 8:07 pm

Nin ayaa maalin u yimid sheekh Xasan Al-Basri oo ahaa taabiciyiinta ka danbaysa Nebiga (scw) , waxaana uu waydiiyay sababta aanay aduunyadu agtiisa qiimo ugu badan ugu lahayn sirta ku jirta?

Sheekh Xasan Al-Basri ayaa ugu jawaabay:-

1- Waxaan ogaaday in risqigayga cidna iga qaadaan karin, markaa qalbigaygu wuu degay oo xasilay.

2- Waxaan ogaaday camalkeyga inaan qof kale ii sameeneynin (Salaada, Soonka iwm), markaa aniga ayaa ku mashquulay.

3- Waxaan ogaaday in allaah (sw) i arkaayo, sidaasi darteed waxaan ka xishooday inuu macsi igu arko.

4- Waxaan ogaaday in geeri i sugeyso, waxaana aad dadaal ugu jiraa sidaan sahay ugu diyaarsan lahaa la kulanka rabbi.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply