JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Xikmadaha Kobciye.com Iyo Dhowr Qodob Oo Aan Maanta Nolosha Kusoo Qaadan Doono..

Published: December 1, 2016, 12:00 am

Shabakada kobciye.com waxaad kaga barateen barnaamijyo idiin xiiso geliyo inta badan barnaamijka kobci maskaxdaada waxaan kusoo qaadanaa qodobo qaali ah si dhalinta da’da yar ugu faideystaaan.

Maantay qodobada aanu soo qaadan doono dhamaantood waxey ku qotomaan sidii aad ku noqon laheyd qof farxad laga dheehan karo si aay bulshada kuu jeclaadaan hadaba inagala faaideyso xikmadahaasi.

Xanaaaqu wa dareen ku qasba afku  inuu hadlo oo uu bixiyo jawaab si dhaqsi ah ama lama filaan ah adigoo ka shaqaysin maskaxdaada.

Weligaa ha u murugoon xidig kaa luntay  waxa laga yaabaa in nasiibkaagu yahay Dayaxa.

Qofka aan murugada fahmin, farxadana ma fahmo

Iska ilaali furaha guul-darada oo ah inaad hawlaha dib u dhigato ama aad tidhaa hadhow ayaan qaban doonaa.

bar naftaad dul-qaadka iyo adkaysiga, waad guulaysane

Haddii aad barato deeqsnimada iyo cafiska waxaad baratay sida uu Allah kuugu naxariisan lahaa.

Isku day inaad cudur daar ka raadiso qofka ku xumeeyay,iskana ilaali aargoosiga.

Akhlaaqda wanaagsan ayaa ah birlab aad ku soo jiidato dadka xata iyagoon kuba jeclayn

Ha noqon sida duqsiga oo aan ku fadhiisan ama aan ku joogsan meel xun mooyaane meel kale, waxna ha u dhibin dadka nasabkooda,hana raadin ceebtoda.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply