fb

Weli Ma Maqashay In Cabista Biyaha Badan In Aay Jirka U Kordhiyaan Arimahani..

Published: January 11, 2017, 11:33 pm

Jidhka  qofka dhalinyarada ah ayay 70% biyo yihiin, halka dadka waaweyna ay 50% biyo yihiin, iyadoo caruurta yaryarna uu jidhkoodu 80% biyo yahay. Sidaas awgeed biyuhu waxay noqdeen wax aanu ka maarmi Karin qofku.

Iyadoo qofka biyo cabista badani uu ka caafimaad badan yahay kan yaraysta. Jidhka oo dhami wuxu ku sheqeeya biyahaasi iyadoo dheefshiidku uu yahay kan isticmaala biyo badan si uu u burburiyo raashinka.

Sidaas darteed Faa’iidooyinka ay leeyihiin biyaha la cabo guud ahaan gaar ahaan salaadda hore , oo qofka  calooshiisu madhan tahay oo aanu quraacan ayaa la cadeeyay inay leedahay caafimaad badan iyo inay weliba dawayso xanuuno badan oo dhib ku haya aadamiga.

Sida ay cadeeyeen dhakaahtiir iyo aqoonyahano Japan u dhashay waxay sheegeen in biyaha la cabno ka hor quraacada marka aad hurdada aad ka toosto ay daweeyaan xanuuno badana oo ay ka mid yihiin : Xanuunada madaxwareerka joogtada ah,  garaaca sare ee wadnaha, suuxdinta ama dhicitaanka badan ee qofka,  xanuunada ku dhaca kaadi amreenka, taydfodhka , shubanka, kaadi macaanka, bawaaisrta iwm. Caadaysuga cabista biyaha subaxa hore ayay si weyn u dhiiriyeen.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply