fb

Waxyaabaha Keeno Gongo/shigshig Iyo Siyaabaha Looga Bogsado Ee Lagaga Baahan Yahay..

Published: November 23, 2016, 1:22 am

Gongo/shigshig.

Ugu horayntii, Ilaah ayaa mahad iska leh, Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato (NNKH). Akhrista yaasha sharafta leh ,cinwaanku wuxuu ku saabsan yahay dadka hadalka uu dhibo xoogaa,waxaan jecleystay inaan idin la wadaago wax yar oo ku saabsan anan ka iftiimiyo intii Alle iga haleelsiiyo Inasha Allah.

Intaas kadib,sida aynu wada ognahay hadalku wuxuu ka mid yahay nimcooyinka uu Alle subxaanahu watacaalaa uu ku galaday Adoomihiisa,(xasuuso qisadii Nabiyullaahi musa CSW).

* Waa maxay shig-shigid/Gongo?.

Macno ahaan siyaabo badan ayaa loo fasira culimada ku takhasuustay cilmiga luqadaha siyaabo kale duwan ayey u macneeyeen,waase qofka oo aan si dabiici ah u hadli Karin,oo hadalka kala goo gooya,taasoo ay ugu magac dareen,shigshig ama gango.

*Noocyada ay u kala baxaan.

Noocyo badan ayaa loo qeybiyaa oo ay leeyihiin dadka shigshiga,noocyadaas waxey ku xidhanyihiin hadaba cimriga/ da’da uu qofku jiro.

*wax yaabaha sababa.

Waxyaabaha keena aad bey u badanyihin waxaana ka mid ah:

* Dhxal inuu qofku u leeyahay oo uu meeshas ka racay waana mida ay soomaalidu aad u taqaano.

* Inuu shil ku dhacay oo dhaawac maskaxda ka soo gaadhay awgii la shigshigo qofku.

* In khalkhal uu ka jiro khalaayadka isku xidha hadalka iyo maskaxda.

* In ay sababto bay’ada uu ku noolyahay qofku oo uu kasbaday.

* In xaga maqalka qofka uu khalaal ku dhaco. Waxyaabo kale oo sababi karana waa jiraan,waan soo koobay.

*Wiilasha iyo gabdhaha yey ku badantahay?.

* Daraasado la sameeyey waxey sheegeen,in wiilashu ay ku badantahay markii la isu barbar dhigay gabdhaha 1.4,afartii qofba hal ayaa gabadh ah.

*Saameynta ay qofka ku leedahay.

Hadalku wuxuu ka midyahay waxyaabaha Alle subxanahu watacaalaa uu ugu nimceeyey adoomihiisa,waana cunsur muhiim u ah qofka,sidaas darteeda saameyn aad u weyn bey ku leedahay,weyna kala duwantahay hadaba heerka ay gaadhsiisantahay bey ku xidhantahay saameyntiisu waayo mida dadka waa weyn iyo ilmaha yaryar isku mid ma aha, waxaana ka mid ah.

* In qofku cuqda ka qaado

* In qofku aad uga fikiro,fikirkaasina uu ku reebo saameyn aad u weyn,mid maskax ahaaneed,iyo nafsiyanba iyo madax xanuun oo kale(nervous

* In qofku marmarka qaar dantiisa sheegan waayo,oo ay ku noqoto cabaqada.

* In bulshada uu ku dhexnoolyahay ay ku caayaan taasoo dhib ku noqon karta qofka lagana yaabo inuu dareemo daciifnimo.

* In qofku bulshada naco ,waayo haddaadan sidii aad rabtay u hadli Karin xoogaa waxey keeneysa inuu qofku doorbido aamusnaan.

* In xaga waxbarashada qofka ay ka saameyso,waana mida ugu daran

* Inuu qofku dhiiban waayo fikradiisa si la mid ah dadka kale.

*Waxyaabaha kordhiya /badiya shigshigista.

* Cabsida,baqida uu qofku ka baqaayo hadalka,isagoo isleh armey kugu qoslaan dadku.

* Inuu qofku ka leexleexdo,erayada qaar ee dhibaya ama ku adag,taasoo loobahanyahay inuusan ka leexan.

* Ka fikirka badan

* Inuu qofku u arko wax ceeb ah,soomaali hadaan nahay qofka wixii aan ku aragno ayaan ugu yeedhnaa oo waan ku ceynaa,hanoqoto wax Alle ku abuuray ama wax ku dhacay.

*Waxyaabaha looga baahanyahay qofka shigshigaya/gangada leh.

* Wax walba daawo ayey leeyihiin,dadku daawada waxey u heystaan oo kaliya ,kaniin la laliqo ,sharoobo la cabo ama cirbad la isku duro,balse caafimadka Alla haya,waxbana kama aha xagiisa,waase imtixaan qofka lagu imtixaanaayo oo hadduu ku sabro ajar iyo wanaag uu ka helaayo.

* Marka hore inuu layimaado ikhlaas,inuu Alle talo saarto baryana marwalba,duceystana salad walba gadaasheeda inuu Alle ka caafiyo,habeenkiina seqda dhexe soo kaco oo uu Alle baryo si niyad ah,qur’aanka waa sheyga kaliya ee maanta wax walba daawo u ah inuu qofku isa saaro.

* Inuu la yimaado caziimad qofku,oo uu ku dadaalaa sidii uu uga bogsan lahaa,waxaan dhib loo marin dheeldheel laguma helo.

* Inuu aamino awooda Alle,niyadana galiyaa inuu Alle caafimad siinaayo insha Allah.

* Inuu cabsida badan iska saaro,waana waxaayaba ugu badan ee cabaqada ku ah qofka .

* Daganaansho, inuu qofku si dagan u hadlo marku hadlaayo waa muhiim qeyb weyna wey ka qaadataa in qofku si fudud loo fahmo wuxuu sheego,isagoo daalin,sababtoo ah boobsiisku wuxuu keena daal.

* Inuu neefsado markuu hadlaayo qofku,waayo qofka shigshiga inta badan waxaa dhibka u keena waa boobsiiska hadalka uu isleeyahay ka gaadhsii marka uu hadlaayo,inuu isku dayo isagoo hadlaya inuu neefsado waana muhiim.

* Inuusan waxba ka leexleexan erayada uusan Karin,qofka shigshiga waxaa jira eraya gooni ah oo aad u dhiba marka haddii qofku uu sameeyo tajanub oo uu marwalba garamaro erayada ku adag hadhow dhib bey u keeneysaa,waa inuu bartaa oo uu ku celceliyaa ilaa uu ka sugo ereyga.

* Inuu sameeyo mubaariso badan,sida barashada xarfaha ku adag dhawaaqooda,neef qaadashada iyo wxii la mid ah.

* Inuu qofka isku kalsoonaado,kalsoonida waxey kaa caawineysa inaad gaadho meesha aad u socoto,oo aadan daneynin dadka hadalaooda qeyb lixaad leh beyna ka qaadataa in qofku si fudud kaga bogsado.

*Ma jiraan dad ka bogsaday(recovery)

Waxaa jira buugaag badan oo laga qoray,caalamkana manta ku noolnahay wax aan xal loo helin ma jiraan,dowladaha horumaray aad bey uga hadleen una baadheen ilaa hadase heerkii la raba kama aysan gaadhin,oo lama soo helin wax lagu bagsanaayo sida kaniin ama cirbad,balse waxey keeneen habab haddii qofku uu sameeyo aad u caawineysa oo laga yaabo inuu ku bogsado xitaa,dad aad u badan ayaa jira oo ka caafimaday,oo manta la mid ah dadka kale.

Dhowr qof oo aan la kulmay waxey I sheegeen iney waagii hore ay lahaayeen balse hada ay ka bogsadeen markii ay sameyeen mumaaraso badan (tadriib).

*Hibooyin gaar ah!.

Daraasado la sameeyey waxey cadeeyeen in qofka shigshiga uu ka caqli badan yahay dadka kale ee cadiga ah,kana maskax badanyahay.

Anigu fikirkeyga ahaan wan la qabaa oo qofka haddii meel u la’yahay Alle meel kale ayuu u galiyaa,taas darteeda Ayaan ku raacsanahay daraasada,waayo dadka leh ee an la kulmay wey ka

duwanyihiin dadka kale xag maskax , firfircooni ama dulqaadka xita iney kaga wanaagsanyihiin ayan aamisanahay.

Guntii iyo gabagabadii, gangadu waa disorder yar oo ka jira xaga hadalka oo kaliya u baahana nidaamin,ee maha ceeb/cudur,qofka lehna wax ka maqan ma jiraan.

Wixii sax ah oo qoreyna waa mid xaga EEBE ka timid,wixii khaladna waa mid nafsadeyda ka timid waxaan rajeynayaa in dhammaan laga faa’ideysan doono Insha Allah,haddii ay jiraan dad lehna way ila so xidhiidhi karaan mahadsanidiin.

Wabilaahi towfiiq.

Qore/canab maxamuud.

Email:hayin56@hotmail.com

Taariikh/11/23/2016,1438/2/23.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply