fb

Wax Badan Kasii Ogoow, Saadaasha Sanadka 2017 iyo Warbaahinta Maraykanka!

Published: December 31, 2016, 4:55 pm

Wargeyska Rossiyskaya Gazeta ayaa soo daabacday saadaasha sanadka 2017 iyadoo soo xiganaysa warbixinta ay soo saartay xarunta Bloomberg ee Maraykanka taasi oo ah xarunta saadaalisay Guusha Trump iyo in Ingriisku ka go’ayo Midowga Yurub sanadka 2016.

Xarunta oo ah wakaaladda wararka caalamiga ah ee Bloomberg ee Maraykanka ayaa sheegtay in sanadka 2017 ay dhacayaan arimo badan oo aan dunidu ku farxi doonin.

Waxay sheegtay in sanadkani aanu u wanaagsanayn madax badan oo reer Yurub ah. Dalal badan oo Midowga Yurub ah ayaa Ruushka siyaasad ahaan isku dhowaan doonaan kuwaasi oo ay ugu horayso Angela Markel ( Jarmalka) oo fashil siyaasadeed kala kulantay dad qaxoonti ah.

Arintaasi oo iyana ku keenaysa in mucraadku ka hor yimaado oo aan mar afaraad la dooran.

Waxa kale oo xaruntani saadaalisay in dalka Faransiiska ay ku guulaysan doonto Madaxweynaha gabadha Marine Le Pen ee xisbiga garabka midig waxayna Yurub ku abuuri doonta arrin culus iyadoo markiiba ku dhowaaqi doonta cod u qaadida in Faransiisku ka baxo midowga Yurub.

Si guudna waxay sheegtay in aanay Yurub u wanaagsanayn. Waxa kale oo ay saadaalisay in Talyaaniga uu qabsan doono xukunka Pepe Grillo madaxa five star kaasi oo Talyaaniga ku soo celin doona lacagtiisa Liiraha ah,

Dalka Maraykanka ayay saadaalisay in Trump marka uu xukunka la wareego uu  xayiri doono xubinimada Maraykanka ee Nato taasina ay cabsi ku abuuri doonto dalal badan oo Yurub ah.

Waxay dalalka galbeedku ka werweri doonaan quwadda Ruushka isagoo Madaxweyne Putin dib ula soo noqon doona Jamhuuriyadda Bel_Rusiya iyo Ukrain,Waxayna noqon doontaa burburka Midowga yurub. Ruushku wuxu sii  wadi doona taageerada Suuriya.

Gobolka Kaliforniya ayaa sanadkaasi ka go’aya Maraykanka  ka dib markii ay muuqato sida weyn ee ay uga soo horjeedaan xukunka Trump.

Trump ayaa ciidamada Maraykanka ee jooga goobaha fog dib u soo celin doona sida Afkhaanistan , ururka Daalibaan ayaa isaguna dhul badan qabsanaya marka ciidamada Maraykanku ka soo baxaan sanadkan soo socda. Waxa laga yaaba in Bariga dhexe . dagaal aan naxariis lahayn u dhex mari doono Sacuudiga iyo Iran kaasi oo ku salaysan arimo dhaqaale waxaana uu saamayn ku yeelan doona gobolka oo dhan.

Dhinaca kale Faaliyaha xidigiska ah ee Tunisiya Dr.Xasan Sharni oo ah ku xigeenka Ururka ay ku midoobeen xidigisku ayaa isna sheegay in sanadka 2017 uu sii socon doono mushkuladda dhaqaale ee dunida iyadoo noqon doonta dabaqada dhexe tan ay dhibta badani soo gaadhi doonto.

Dhinaca Carabta wuxu sheegay in sanadkan dalka Ciraaq  uu noqon mid khariidadiisa la kala qaybiyo taasi oo uu dhiig badani ku daadan doono.

Lubnaaniyiinta ayaa heshiin doona sanadka dhaqaalahooduna wanaagsanaan doono. Dhinaca Falastiin wuxu saadaaliyay inay midoobi doonaan Xamaas iyo Ururka Fatax, Yuhuuddana sanadkaasi ay waajihi doonaan iyagoo mid ah.

Dhinaca Maraykanka wuxu sheegay inay ku dhici doonaan masiibooyin dabiici ah oo ku keeni doona khasaare dad iyo duunyaba leh.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply