JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Wax Badan Ka Ogoow Waxyaabo Dunida Aan ku Noolnahay Ka Socdo Iyo Barnaamijkii Ma Ogtahay..

Published: November 30, 2016, 1:28 pm

Daraasado kala duwan ayaa cadeeyay in sanadkii dad gaadhaya 22 kun oo qof ay is dilaan oo iskood nafta iskaga jaraan iyagoo ay sabab u tahay daymaha lagu leeyahay ee ay iska bixin kari waayeen.

Mala socotaa in Daqiiqada soo socota dunida ay ku dhalanayaan 216  caruur ah, waxaana dhimanaya 101 qof, ma aha arrin male ah.   laakiin  waa tiro koob sax ah oo lagu sameeyay dhalashada iyo dhimishada dadka dunida ilbidhiqsi kasta.

Sanadkii 1999 ayuu asaasaha shirkadda Google soo bandhigay inuu ku iibanayo lacag dhan hal milyan oo dollar  oo keliya, laakiin wakhtigaasi inkastoo aad u xayaysiiyay meel kasta-na ku soo bandhigay haddana nasiib daro lagama iibsan. Haddaba maanta 2016-ka  shirkadda Google waxaa  qiimaheedu gaadhayaa lacag dhan 250 Malyuun dollar.

Waxa kale oo la ogaaday in Masasku ay aad u neceb yihiin Batroolka, waxaana cadaatay in degaamada Batroolka laga helo aanay u soo dhawaan Masasku.

Saacadda Gacanta lagu xidho waxaa  markii u horaysay adeegsaday oo xidhay Askartii Ingriiska mudadii lagu jiray dagaalkii koowaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply