JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Wax Badan Ka Ogoow Wadamadda Ugu Amaanka Wanaagsan Dunida Maanta..

Published: January 5, 2017, 11:45 am

Machadka dhaqaalaha iyo amaanka ee dunida ayaa sanadkan soo saaray dawladaha dunida ugu dhaqaalaha iyo  amaanka fiican sanadkii ina dhaafay.

Mac-hadka oo sanad kasta qiimeeya nabadda iyo dhaqalaha ayaan ku qiimeeya dalka kasta  xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka la jaarka ah, dagaalo iyo xadgudbyo in aanay ka jirin, iyo heerka denbiyada ka dhaca ee jeelka lagu galo.

Waxa kale oo qiyaas lagu sameeyay ahmiyadda ay siiyaan amniga iyo tacliinta. Machadka oo baadhisa ku sameeyay 153 dawladood oo dunida ayay dawladda Island noqotay dawladda ugu horaysay amaanka oo iyadu kaalintaasi xejista.

Waa tan ugu yar dunida denbiyada  ka dhaca ee jeelasha ku xidhan. Waxa kale oo ay noqotay dal tacliintu kor u kacday iyo akhrisku uu gaadhay heer sare.

Jamhuuriyadda Island waa dawlad jasiirado ku yaalla badaweynta Atlantiga, ee waqooyiga Yurub. Tirada dadkeedu waa 320 kun qof, ballaca dhulkeeduna waa 103 kun Km2.

Dalalka Qatar iyo Kuwait ayaa noqday kan labaad iyo ka sadexaad halka Sacuudigu noqday dalka 101, Maraykank dalka 82 , Ruushkuna uu noqday dalka 147 , dawladdana Israeli ay iyana noqotay dalka 145.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply