fb

Wax Badan Ka Ogoow Shirkugu Imisa Nooc Ayuu U Qeyb Samaa Qatar Intee La’eg Ayuusa Leeyahay.

Published: December 12, 2016, 7:06 pm

Khatarta Shirkiga 

بسم الله الرحمن الرحيم 

Walaalayaal shirkigu waa xaq ilaahay xuquuqdiisa ka mida oo cid kale lala wadaajiyo ama cid kale loo leexiyo ciddaas lala wadaajinayo allah ama xaqiisa loo leexinayo sanam ahaatayaa ,malaaig ahatayaa ,nabi ahaatayaa ,wali ahaatayaa ,jin ama wax kale ahaatayaaba .

Shirkigaa noocaas ah waa danbi aad u wayn khatartiisana ilaahay qur’aanka inoogu bayaamiyey waxaana ka mida khatartiisa :

1. Shirkigu waa danbi allah laga galo kan ugu wayn sida suubanuhu (nnk) u yiri

وفي الصحيح أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: ” ألا أنبئكم بأكبر الكبائر ثلاثاً قالوا: بلى يا رسول الله قال: الإشراك بالله وعقوق الوالدين وكان متكئاً فجلس فقال: ألا وقول الزور ألا وشهادة الزور ” . فما زال يكررها حتى قلنا ليته سكت.

2. waana danbiga kaliya ee qofka ku dhinta ilaahay aanu u dhaafin sida ilaahay ku yiri;

(ان الله لا يغفر ان يشرك به ويغفر ما دون ذالك لمن يشاء) النساء 48

3. Shirkigu waa Danbiga qofka ku dhinta jannadu xaaraan ka tahay naartuna gurigiisa tahay oo uu ku waari abidkii sida allah swt uu ku yiri kitaabkiisa :
( انه من يشرك بالله فقد حرم الله عليه الحنة وَمَأْوَاهُ النار وما للظالمين من اتصار) ﴿٧٢﴾ المائدة

4-Shirkigu waa Danbiga qofka ku dhaca uu camalkiisa oo dhami burayo allaha inaga dhawree Sida uu ilaahay swt ku yiri kitaabkisa isagoo la hadlaya rasuulkiisa muxamad (nnk):

(ولقد اوحي اليك والي الدين من قبلك لان اشركت ليحبطن عملك ولتكونن من الخاسرين) سورة الزمر ﴿٦٥﴾

5-Shirkigu waa Dulmi la galo kan ugu wayn sababtuna waa xaqii alle oo cid kale oon gar u lahayn lala wadaajinayo ama loo meerinayo sida uu ilaah inooga warramay luqmaan al xakiim oo inankiisa uga digaya:
13 لقمان ( يا بني لا تشرك بالله إن الشرك لظلم عظيم )

6-Shirkigu waa danbiga keenna in umadda la timaadd o caqiidadedu xumaato ay is khilaafto oo tafaraaruqu uu ku dhaco sida ilaahay markuu inooga digayey u yiri :

وَلا تَكُونُوا مِنَ الْمُشْرِكِينَ* مِنَ الَّذِينَ فَرَّقُوا دِينَهُمْ وَكَانُوا شِيَعًا كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ} الروم 23)

7- Shirkigu waa sababta keena in qofku wadada xaqaa ka dhumo Dhumitaan aad u fog baadilkana moodo xaq sida ilaahay inoogu sheegay kitaabkiisa

﴿١١٦﴾ سورة النساء ( ومن يشرك بالله فقد ضل ضلالا بعيدا)

8-Shirkigu waa Dambiga Anbiyada iyo Rususha Iyo saalixiintu ay naftooda iyo Durriyadoodaba uga baqi jireen sida ilaahay in badan inooga warramay kitaabkiisa :
Sida nabi ibraahim ilaahay uga magan galay :

سورة ابراهيم36 ( وإذ قال إبراهيم رب اجعل هذا البلد آمنا واجنبني وبني أن نعبد الأصنام )

sida ilaahay inooga sheegay markuu la dardaarmayey awlaadiisa isagoo uga baqaya shirkiga :
(أَمْ كُنْتُمْ شُهَدَاءَ إِذْ حَضَرَ يَعْقُوبَ الْمَوْتُ إِذْ قَالَ لِبَنِيهِ مَا تَعْبُدُونَ مِنْ بَعْدِي قَالُوا نَعْبُدُ إِلَٰهَكَ وَإِلَٰهَ آبَائِكَ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ إِلَٰهًا وَاحِدًا وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُون) البقرة 133َ
Sida allah inooga warramay luqmaan al xakiim oo inankiisa waaninaya shirkigana uga baqay in uu yiri:

13 لقمان ( يا بني لا تشرك بالله إن الشرك لظلم عظيم )

Walaalayaal waxaad aragtaan khatarta shirkigu u leeyahay qofka aduun iyo aakhiraba iyo khatarta uu u leeyahay bulshada oo ah baadinimo ,kufri ,jahli ,iskhilaaf ,dulmi iyo aduun iyo aakhiraba inay hoogto ,markaa waxaas inagu waajiba in aan shirkiga aad u garano una fahamno khatartiisa dabadeedna aan baranno meelaha uu inaga soo gali karo dabadeedna aan dadkeenna uga digno una caddaynno towxiidka oo ah sababta liibaanta aduun iyo aakhiraba ,qofwalbaana waa inuu ogaado in caqiidadu ay tahay waxa u horeeya ee la doonayo in la iska saxo maadaama ay tahay asaaskii iyo binihii islaamka oo hadii asaasku hagaago wax walba ay hagaagi haduu xumaadana wax walba ay xumaan .

Waxaa Diyaariyeye : Maxamuud Xasan Ciise 
Balqiini@yahoo.com 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply