fb

Waano & Wax Sheeg: Hab Dhaqanka Wanaagsan ee Dumarka Soomaaliyeed.

Published: October 10, 2015, 10:49 am

Ugu horayntii, Ilaah ayaa mahad iska leh, Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato (NNKH).

Intaas ka dib, hab dhaqanka wanagaasan ummda dhan baa u baahan lagana doonayo iney la timaado, dumarka  kaliyana kuma koobna balse wey  sii  kala mudanyihin. Sidaas darteeda adigoo gabar ahna kumaba sii jirto oo waa lama huraan in lagaa helaa hab dhaqan wanaagsan.

Maadaama aad bulshadii madaxeedii tahay iyo meeshii la hiigsanayey; hooygi barbaarinta. Hadaba hab dhaqanka wanaagsan waxa laga bilaaba marka hore naftaada, guriga aad ku barbaartay, dadka kugu dhow dariskaaga, asxaabtada ku gaarka ah, iyo kuwa ay idin ka dhexeeyan xiiriirka uun.

Waxaana loola jeedaa inaad aadaab wanaagsan iyo ixtiraam inaad dadka kale ka heshid. Taasna si aad u gaartidna wa inaad naftaada ka bilowdaa mar waliba.

Hadaba ogow inuu yahay qof waliba ADIGA oo kale, jecelyahayna sida aad jeceshahay in laguugula dhaqmo. Sidaas awgeedna wa inaad wanaajisa hab dhaqankaaga si lagugu deydo. Ogowna qof waliba inuu ku dayanaayo qofka marku ka arko dhabkaas wanaagsan  haddii laga helo.

Dhanka kale, Ilaahay Subxaanahu watacaalaa wuxuu quraanka ku sheegay suurada Al-Furqaan 27-29:

Aaydaha kore waxay noo cadaynayaa sida ay muhiim u tahay qof wanaagsan in saaxiib lala noqdo hadii qof aan wanaagsanayn laraacana uu jar kaa ridi karo. Sidoo kale Nabigeena NNKH wuxuu yidhi:

“لا تصحب إلا مؤمنا”

Oo macnaheedu yahay qof aan mu’min ahayn hala saaxiibin. Aayadahaas iyo xadiiskan iyo kuwo kale oo badan waxay nafarayaan tubta toosan inaan marno oo hab dhaqan wanaagsan lanimaano. Sidoo kalana aan iska fiirino qofkaan lasoconayno maadama uu saamayn ku yeelanayo hab dhaqankeena. Gabyaa carbeed ayaa tiriyay gabaygan hoos ku qoran oo biyo dhiciisu yahay in qofka aad lasoconaysid aad dooratid maadaama ay dadka isla socda ay isku daydaan iskana ilaalisid lasocoshada dadka aanan wanaagsanayn oo hadaad sunida Nabigeena raacaysid aad ka fogaatod asxaabta ehelka u ah xumaatida:

واختر من الأصحاب كل مرشد  *** إن القرين بالقرين يقتدي

وصحبة الأشرار داء وعمى ***  تزيد في القلب السقيم السقما

فإن تبعت سنة النبي  *** فاجتنبن قرناء السوء

Hadaba waxaan halkan kusoo koobaynaa dhowr qodob oo hab dhaqanka wanaagsan lagu gaaro iyadoo aan qodob waliba raacsiinayno aayad ama xadiis nabigeena laga wariyay oo iftiiminayo qodobkaas:

  1. Waa inaad tahay qof cabsida Alle u go’ay, taasoo ruux walba laga doonaayo.

يا أيها الذين أمنوا إتقوالله حق تفاته ولا تموتن إلا وأنت مسلمون

عن إبن عباس رضى الله عنهما قال رسول الله صلى الله غليه وسلام :من لزم إلاستقفار جعل الله له من كل ضيق مخرجا،ومن كل هم فرجا،ورزقه من حيث لا يحتسب

  1. Waa inaad sidoo kale ku dhaganaato sunnaha Nabiga(SCw)

عضوا عليها بالنواجد

  1. Inaadan xamanin dadka

عن إبي هيررة رضى الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: أتدرون ما الغيبة؟ قالو الله  ورسلوله أعلم. قال: ذكر أخاك بما يكره .قيل :أفرأيت إن كان في ما أخي ما أقول؟ قال: إن كان فيه ماتقول فقد إغتبته، وإن لم يكن فيه ما تقول فقد بهته

  1. Ha dhageysanin xanta dadka kale.

عن إبي درداء رضى الله عنه عن التبي صلى الله عليه وسلم قال :من رد عن عرض أخيه ردا الله عن وجه النار يوم القيامة

  1. Ha isku dirin dadka oo ha u kala sheekeynin.

عن الحديفة رضى الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: لا يدخل الجنة نمام

  1. Ha sheegin been

عن عبدالله إبن عمر رضى الله عنهما قال: أربع من كن فيه كان منافق خالص، ومن كانت فيه خصلة منهن، كانت فيه خصلة من   النفاق حتي يدعها :إذا أئتمن خان، وإذا حدث كذب، وإذا عاهدا قدر، وإذا خاصم فجر

  1. Waa inad tahay qof aamin ah

قال الله تعالى :

النساء 58

وقال النبي صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : أَدِّ الْأَمَانَةَ إِلَى مَنْ ائْتَمَنَكَ ، وَلا تَخُنْ مَنْ خَانَكَ  . رواه الترمذي

  1. Waa inaad tahay Qof Runlow ah.

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه  أن رسول الله ” صلى الله عليه وسلم ” قال : ” إن الصدق يهدي إلى البر وإن البر يهدي إلى الجنة وإن الرجل ليصدق حتى يكتب عند الله صديقا ، وإن الكذب يهدي إلى الفجور وإن الفجور يهدي إلى النار وإن الرجل ليكذب حتى يكتب عند الله كذابا .”رواه البخاري

  1. Ha noqonin qof xaasid ah

عن أنس بن مالك رضى الله عنه أن النبي صلى الله عليه ؤسلم قال: لا تباقضوا،ؤلا تحاسدو ،ولا تدابرو،ولا تقاطعوا،وكونو عبادالله الخالصين،ولا يحل لمسلم أخاه فوق ثلا ث .متفق عليه

  1. Ha caayin dadka

عن واثلة إبن الأسقع رضي الله عنه قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: لا تظهر الشماتة لأخيك فيرحمه الله ويبتليك

Dhamaan hablaha waxaan ku waaninayaa inay iskudayaan in 10-kaa qodob ee habdhaqanka wanaagsan inay ku dadaalaan wada samayntooda. Inkastoo dhamaantood sidoo kale ragga laga wada rabo laakin habluhuna si gaar ah ayaan ugu waaninayaa inay habdhaqankooda ku saleeyaan maadaama ay uyihiin hoyga iyo askunka qoys waliba uu leeyahay oo hagaagoodu ay ku xirantahay hagaaga awlaada qoyskaas ka dhalanaysa.

Guntii iyo gunaanadkii, iyadoo waxaan kusoo afjari maqaalkan gaaban gabay qiimo badan oo uu tiriyay Abwaan Abdulqaadir Sharif oona ka hadlaya hab dhaqanka wanaagsan:

• Haweenow hidaha fiicaniyo ::: hubiya iimaanka

• Hadal gaaban hawraar saniyo ::: dhaqan haboon yeesha

• Hubqaad wacan hanaan suubaniyo::: yeesha hadaf toosan

• hawa raac hadaad noqoto waa ::: lagu hongoobaaye

• Haadaan cidii idinka ridi ::: diida hadalkeeda

• Hanqal taag waxaydaan helayn ::: haabashada daaya

• Ha hareer marina diintu way ::: idin hagaysaaye

• Adinkaa u hooyo ah khalqiga ::: taniyo haabiile

• Hawl kastoo laqaban waa inaad ::: dhinaca haysaane

• Hadiise aad halowdaan dunidu ::: way halaagsamiye

• Ha habsaaminina ee bulshada ::: horumar gaarsiiya

Wixii sax ah oon qorayna waa mid xagga EEBE ka timi, wixii khaladna waa mid nafsadayda ka timi waxaana rajaynayaa in dhamaan laga wada faa’idaysan doono inshaAllah.

FG: Barnaamijkaan Mudo Hore ayuu kobciyemedia.com ka baxay waxan ugu soo celinay in dib looga faaideysto..

Wabbillahi Tawfiiq

Qore: Canab Maxamud Sharif Taariikh:

Email: hayin56@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply