fb

WAALIDKAAGA BAARI U NOQO…

Published: December 26, 2016, 4:55 pm

Imaam Abuu Xaniifa Hooyadiisa mar waliba wuu u Duceyn jiray, Culumada waa weyn inuu u tago, ayuu dhihi jiray, Waalidiinteyda iigu Duceeya, Bil kastana wuxuu u bixin jiray Waalidkiisa Sadaqo ahaan 85 garaam Dahab Lacag u dhiganta.

Abuu Xaniifa Hooyadiisa waxey jecleyd iney Wacdigiisa Dhagesato, Wadaad la oran jiray Cumar Ibna Dar. (Ogow Wadaadka waxaa ka Aqoon badan Wiilkeeda), waxeyna dhihi jirtay Igeey Halka uu ku Muxaadareynaayo Sheikh Cumar Ibn Dar, markuu Muxaadarada dhameesto, Su’aalo ayey weydiin jirtay, haduu Wiilkeeda ugu jawaabo ma qaadan jirin.

Mararka qaar Abuu Xaniifa oo Guriga joogo, waxey dhihi jirtay, Oradoo Wadaadka Cumar Ibn Dar, u aad Su’aalahaan ii soo weydii.
Abuu Xaniifa wuu tagi jiray, wuxuuna dhihi jiray Cumarow Hooyadey Su’aalahaan ayey ku soo weeydisay Xukunkeeda muxuu yahay?.

Wadaadka wuxuu dhihi jiray Imaam Abuu Xaniifow, ma aniga ayaad wax ku weydinaayo mise Adiga wax i weydiineysaa?.

Imaamka wuxuu dhihi jiray Aniga wax kuma Weydinaayo, laakiin Hooyadeyda waxey i Amartay in Adiga Su’aal ku soo weydiyo.

Imaam Abuu Xaniifa Hooyadiisa ayuu u soo laaban jiray, wuxuuna dhihi jiray Hooyo Sheekha sidaasi ayuu ku soo yiray.

FIIRO GAAR AH:- Ogoow Abuu Xaniifa ma ahan sababta uu Wadaadku u soo weydiinaayo Su’aasha ay Hooyadiisa u soo dirtay inuusan isaga Aqoonin, balse waa Qaddarin uu qaddarinaayo Waalidkiisa.

(ALLOOW WAALIDKEENA U NAXRIISO).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply