fb

Waa Kuma Saaxiibka Dhabta Ah?, Qiimo Intee La’eg Ayuu Leeyahay Saaxiibkaasi, Iyo Habkaad Ku Dooran Karto Saaxiib Dhab Ah..

Published: November 27, 2015, 8:15 pm

Saaxiibka Dhabta Ah.

Ugu horeyntii,Ilaah ayaa mahad iska leh,Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato (NNKH).

Intaas kadib, waxaan jecleystay inaan idin la wadaago fikirka ku aadan saaxiibtinimada ama saaxiibka.

saaxiibku: waa xiriir ka dhexeeya laba qof kaasoo aan ahayn sida midka waalid iyo ilmihiisa .

 Astaamaha  saaxiibka wanaagsan:

  1. Waa qof balanta oofiya ,waxaana cadeynaaya qur’aanka kariimka,

(  وأوفوا بالعهد إن العهد كان مسئولا)

  1. Waa qof daacad ah,daacadnimadu waa waxyaabaha ugu horeeya ee qof walba oo wanaagsan lagu garto.

3 .  Waa qof caqli u saaxiib ah,saaxiibka wanaagsani waa mid ka fikira horumarkiisa iyo kaagaba kaagana faaiideeya cilmigiisa iyo akhlaaqdiisa wanaagsan,waana mid kuu xafida sirtaada iyo ceebahaga kuuna naseexeeya haddii u kugu arko xumaan kana reeba.

4 . jaclaansho dar alle ah oo aan ahayn mid maslaxad ama dan gaar ah,sida uu cadeeyey xadiiska Nabiga (NNk)

سبعة يظلهم الله في ظله يوم لا ظل إلا ظله  , منهم رجلان تحابا في الله اجتمعا عليه وتفرقا عليه

Qiimaha uu leeyahay saaxiibku :

Qofwalba si buu u yaqaana saaxiibka waana lagu kala aragti duwanyahay ,dadka qaarna waxaaba dhici karta ineysan garaneynin waxaa uu yahay saaxiib ama waxuu ka dhiganyahay,oo ay uun afka ka sheegtaan saaxiibaan leeyahay oo kaliya.

Saaxiibku waa kan kuu horseeda wanaaga kula jeclaada waxa uu naftiisa la jecelyahay,waa midka kuu huri kara wax walba oo uu markaas awoodo,qiimahiisaha dhabta ahi waxey soo baxdaa  oo aad garankartaa marka dhibi timaado oo waa kii ku garab jooga oo aadan waayin waqtiga shidada, waxaa kaloo ka mid ah waa midka kuu soo duceeya adigoon ogeyn,waana mid ku faana saaxiibtinimadaada,waxaana tilmaamaya xadiiskii Nabiga (NNK) ee aan kor ku soo sheegnay.

Habka aad ku dooran karto saaxiib wanaagsan:

Inaad marka hore  qofku Allah talo saarato,marka xigtana uu aad uga fiirsado,maxaa yeelay dadka bartay arimaha bulshada ama daraaseeyey waxey sheegeen in habka ugu haboon ee doorashada saaxiibka ay qeyb lixaad leh ka qaadato iswaafajinta labada qof heerkooda,sida inuu qofku u eego heerka tacliinta ee uu qofka kale gaadhsiisantahay ama xaga dabaqada bulsho ahaan ama xaga akhlaaqda ama xaga da’a ahaanta taas ayaa keeneysa iney durba is fahmaan labada qof oo ay si dhib yar isula jaabqaadan.

Guntii iyo Gabgabadii ,dadka ay ka dhaxeyso saaxiibtinimadu waa iney ilaaliyaan dhowrna xuquuqda ay saaxiibtinimadu leedahay,saaxiibtinimadu waa shay aad u qaali ah,macaankeeda iyo dhadhankeedana waxaa garan kara labadii dheef iyo dhib wada qeybsaday.

Wixii sax ah oon qorayna waa mid xagga EEBE ka timid, wixii khaladna waa mid nafsadayda ka timid waxaana rajaynayaa in dhamaan laga wada faa’idaysan doono inshaAllah.

Wabbillahi Tawfiiq.

Qore: Canab Maxamud Sharif

Taariikh:  November 27, 2015 –  2, 13, 1437.

Email: hayin56@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply