fb

Video:- Muno oo Labo Sano Kiristan aheyd ayaa kusoo laabatay diinta Islaamka – Kadib Mucjiso xaga rabi kaga timid

Published: December 17, 2016, 10:04 pm

Soomaalida waxaa kusoo kordhay dhaqan iyo diimo aanan taariikh ulaheyn, waxaana allah ka baryeynaa inuu nagu hanuuniyo hanuunka saxda ah ee diinta Islaamka.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in diinteena, Allah ayaana la xisaabtami doona kuwa intey arkeen diinteena macaankeeda hadana doortay gaalnimo iyagoo fiirsanaya shilimaan iyo qaawanaan ay gaalada ka arkeen.

Allah hasoo hanuuniyo kuwa badan oo Soomaali iyo ajaanib ah, waxaase halkan idiinku soo gudbineynaa muuqaalka dhacdo haleeshay Walaasheen Muna oo intey noqotay Gaal hadana allah kusoo duway jidka saxda ah ee diinteena Islaamka.

Allahu Akbar! Allaha awooda leh baa weyn: Muuqaalkan oo si weyn baraha bulshada loogu faafiyay ayaana jecleysanay inaan idinla wadaagno.

Hadaba sidee ayuu Allah ugaransiiyay Muno iney kusoo laabato diinta Islaamka, waxaa ay sidoo kale faah faahineysaa in Soomaali badan oo Kiristan ah ay jiraan, yaase masuul ka ah mashruuca Soomaalida lagu gaaleysiiyo.

Walaal Faafi qoraalkan iyo Muuqaalkan, una duceeya walaasheen Muno inuu alle weyne ku hayo jidka saxda ah ee diinteena Islaamka.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply