JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Tuulo dadkii Deganaa Mar keliya maal-qabeen wada noqdeen! Sidee Ku Dhacday..

Published: November 30, 2016, 7:37 pm

Dadkii deganaa tuullo ku taalla dalka Spain, ayaa mar kaliya  wada noqday maal-qabeenno ka dib markii uu dhintay hantiile weyn oo ku dardaaramay in hantidiisa loo qaybiyo dadka tuuladaas.

May filayn dadka degan tuullada Serei del Kundao, inuu ugu dardaarmi doono maalqabeeenkii Reer Spain ee magaciisu ahaa Mr.Antonio Fernandez inuu xoolihiisa loo qaybiyo dadka tuulada marka uu dhinto  si ay markiiba u noqdaan maalqabeeno.

Mr.Antonio Fernandez oo ku dhintay da’da 99 jir wuxuy degenaa tuuladan laakiin sanadkii 1949 ayuu tegay dalka Mexico markii ay noloshu ku  adkaatay Spain.

Halkaasi ayuu ka shaqaystay waxaana uu sameeyay shirkad dawooyinka iyo Mukhaadaraadka ka shaqaysa. Waxaana uu ka dhintay lacag dhan 210 Malyuun oo dollar oo loo qaybiyay dadka degan tuuladii uu ka soo jeeday ee uu ku dardaamary oo tiradoodu ahayd 80 qof oo keliya kuwaasi oo markiiba wada noqdey maalqabeenno.

Dadkan ayaa qof  kasta uu helay lacag dhan  2.5 laba milyan iyo badh doller. Isagoo horena intii uu nolaa tuuladiisa ka dhisay goobo waxbarasho iyo  hay’ado horumar ku sameeyo dhaqaalahooda oo uu kaabayay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply