fb

Tallooyin Muhiim Ah Qofkii Ku Dhaqmaa U Horseedi Karo Farxad Aan Dhamaan…

Published: January 5, 2017, 7:30 pm

TALOOYIN KU ANFICI DOONA.

1- Ku biloow Maalintaada Salaadda Subax iyo Ducooyinka Aroorta si aad u gaarto Horumar.

2- Wad Istiqfaarta waxey tirtirtaa Dunuubta.

3- Ha joojin Ducada waa Xariga Badbaadada.

4- Xusuusnow waxaad tiraahdo Malaa’ig ayaa Qoreyso.

5- Niyaddaada Wanaaji xataa haddii ay meel Xun kaala Deganeyso.

6- Haddii uu kugu bato Welwelka iyo Fakarku waxaad tiraahdaa “Allaah mooyee Illaah kale ma jiro”

7- Ku iibso Lacagtaada Ducada Danyarta iyo jaceylka Masaakiinta.

8- Sujuud Khusuuc leh oo aad ku dheeraato ayaa kaaga Fiican Daaraha Quruxsan ee dunida.

9- Ka Fakar intaadan oran, waxaa jirta Oraah meel Xun kaa tuurtee.

10- Iska ilaali Habaarka kan Dulman iyo illinta kaan waxba Awoodin.

11- Naftaada Daacadda Alle ku Sandullee, ileen Naftu Xumaantay ku Amartaa.

12- Dhunko Calaacalaha Labadii ku dhalay aad Liibaantidee.

13- Ha Caroon, Noloshu intaad filayso wey ka Gaaban tahaye.

14- Ogoow inuu Mar kasta uu kula jiro kan ugu Awood badan, uguna Deeqtoon waa Allaah kor ahaaye.

15- Wax aad dhibta u Kaalmaysato waxaa ugu fiican Salaadda.

W.Q:- Macoow Ustaad


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply