JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Si Aaysan Kugu Dhicin Tanoo Kale, Weligaa ha u Shaqeyn is tus-tus iyo ha lagaa sheego!

Published: February 3, 2017, 9:31 pm

Weligaa ha u Shaqeyn is tus-tus iyo ha lagaa sheego!

Ka dib markii loo soo magacaabay Xil sare oo uu xafiiski la wareegay ayuu subax wuxuu arkay nin meel gees ah iska taagan, wuxuu is yiri saaka waxaad heysataa fursad aad shaqaalaha ku tusi karto in aad tahay nin adag oo aan kaftamin.

Wuxuu u yimi ninki meesha taagnaa wuxuu isagoo qeylinaya si kor ah ugu yiri, “Adiga shaqo ayaa lagaa rabaa halkan ayaana iska taagan tahay. Sheeg waa intee mushaharkaaga?” Ninki oo yaaban ayaa yiri waa “1,000 Dollar”.

Mas’uulki Madaxda ahaa ayaa intuu jeebka ka soo saaray lacagti siiyay ninki wuxuuna ku yiri, “Waa kan mushaharkaagi, Ka bax shaqada waan kaa ruqseeyay! ma arki karo qof shaqaale iska wareegaya oo aan shaqeynayn!

Intuu Xafiiskiisa galay oo kursiga isku wareejiyay ayuu Xogheyntiisi u yeeray kuna yiri, “Ninki aan hada eryay magaciisa oo saddexan iigu soo qor warqad si liiska shaqaalaha looga saaro, iina wada ballami shaqaalaha si aan ugu sheego oo ay digniin ugu noqoto”

Xogheynti oo yaaban ayaa ku tiri, “Laakiin Mudane magaciisa ma garanayno. Shaqaale nooma ahayn, wuxuu ka socday Shirkada korontada wuxuu sugayay qolka store-ka in loo furo si uu saacada korontada u qorto!!”

Iska ilaali Is Libaaxeynta marmar baa lagu Jabaa!

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply