JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sheeko Gaaban Oo Aad U Xiiso Badan Kana Turjumeyso Dhibaatada Heyd Sooca! Qalinkii Xasan (Timacadde)

Published: December 25, 2015, 2:12 pm

Wuxuu ku baraarugey isagoo kalidii meel cidlaa fadhiya, agtiisa waxaa ka muuqda raad qof ka sii dhaqaaqey qaddar aan badnayn ka hor, ma garanayo sababta uu u fadhiyo iyo waxa keenay toona! Wuu aamusanyahay!

Aad buu u fikirayaa! Wuxuu ku dhaygagsanyahay doog iyo cagaar hortiisa si dabiici ah Eebbe uga beeray! shanqarta oo yar iyo dadka soconaya oo aan marin meeshuu fahdiyo awgeed cid ka qasta fikirkiisaas lama kulmin!

Isla cagidiiba wuxuu indhaha ku kala bixiyay afarta jiho si uu u arko un wax uu jeclaysto ama ku farxo, haka yaabin! Wax dhaqaaqa markuu waayey ayuu yara is taagey, si lama filaana ayaa warqad yari uga soo dhacday dhabtiisa, kuma uusna ogeyn warqadaa dhabtiisa se waa loo saaray Xilli uu maqnaa! Mashquulsanaa! Amaba aan idhaahdo  miyirkiisu badh maqnaa! Wuu eegay warqadii mise waaba far uu garanayo! Waxaa ku qornaa UMA QALANTID NAFTAYDA!  intaa bes! Waxaa isla markiiba maskaxdiisu ku falcelisay  SABAB sidee baanan kuugu qalmin? Miyaanan ahayn binu aadam uuman? Miyaanan ahayn soomaali dhalad ah? Miyaanan ahayn muslim? Miyaanan kula mid ahayn? Intaasoo su’aalood ayuu is waydiiyey jawaabse u waa! Waayo cid u jawaabta kama ag dhawayn!

Si wada jir ah ayay goobtan u yimaadeen isaga iyo tuu gacloodayba. Muu ogeyn nuxnuxda hoose ee ay ardaydu ka dhex waddo isaga iyo Bilan. Wuu u qalmaa iyana way u qalantaa, waa laba is doortay waa laba isu geyaana, waa laba dadka isaga dhow, hase ahaatee qaarbaa raba inay kala dilaan! Qaar baa raba inay kala jaraan! Aan idhaahdo e fasalka uu dhiganayo 99% ardaydu waxay doonayaan inay Farxaan iyo Filan isku diraan! Waayo? Bal adba?

Bilan,  iyadoo jecel Farxaan, doonaysana inay nolosheeda la qaybsato ayaa lagu taabtay in Farxaan ka soo jeedo dadka soomaalidu sida khaldan ee gurracan u   HAYB TAKOORTO. Jaw! maskaxdiibaa qaraxday! Oo maxay u xanaaqday? Maxay u ciishootay? Maxay u shallayday? Akhriye adaan kuu daayey jawaabta!

Kalgacaylkii, nuglaantii iyo xushmadii ay u haysay oo dhani waxay isu bedeleen nacayb! Inta ay wacday ayay ku ballamisay meel magaalada ka baxsan oo doog ah, fariisi ka dib waxay hadal kaga bilowday sharaftaydii ayaad ku dheeshay adigoo reer hebel ah sideed u hawaysatay inaad   haasaawe ila bilowdo? Sided ku heli karta hanashada qalbigayga, miyaan kuu qalmaa? Khaa’in baad tahay!

Farxaan maqalka ereyadaasi waxay ka damqeen boog uu u qabay inay biskootay! Mar labaad ayay dacar soo butaacday! Way! Illin kulul ayaa isla markiiba ka soo daatay labadiisa indhood! Wuxuu noqday maqane jooge! Afkii baa juuqda gabay! iyadiina bartii bay kaga dhaqaaqday!

Farxaan cidna danbi kamuu galin! cid ma dilin! Cidna ma dhicin! Se waxaa haysta wax ka awood wayn, wax uusan xalin Karin isla markaana wax ka bedeli Karin. Farxaan waa wiil hawl kar ah, caqli badan, qurux iyo haybad Alle u dhaliyey, hase ahaatee wuxuu ka soo jeedaa dadka soomaalidu sida khaldan ee gurracan u  HAYB TAKOORTO.  Farxaan wuxuu isku biimeeyey safarka tahriibka ah si uu uga fogaado Bilan iyo meel ay joogto iyo xusuusteedaba! Dooni u mayo inuu ka ag dhowaado Soomaali oo dhan! Dooni uu mayo inuu ka guursado Soomaali! Dooni uu mayo inuu sheegto Soomaali! Waayo? Akhriye Faallee!

Address:

Xasan Cabdullaahi Xaashi “Timacadde”

Hassanhashi2010@hotmail.com

+251915192625

Jijiga D.D.S.I


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply