JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Sheeko Gaaban:- Muxuu Sameeyay Libaaxii Hurdada Dhexda U Mareysay Ee Doolliga Uu Uyimid..

Published: December 16, 2016, 7:18 pm

Waxay ahayd Goor Barqo ah, Boqorka Dugga (Libaax) waxa uu jiifay Geed Har weyn, markii ay Hurdadii meel fiican u maraysay, ayaa waxaa u yimid Dooli (jiir).

Dooligii wuxuu bilaabay inuu ku Dul Bood-boodo Libaaxii, Libaaxii ayaa Si dhaqso ah ku qabtay Dooligii.

Dooligii ayaa Cabaaday oo yiri: “Mudane iska key Cafi, mar dambe makugu Ciyaari doono, Mana iloobi doono Abaalka ii gashay, Maalin ayaan kuu Gudi doonaa”. Libaaxii ayaa ku Qoslay oo yiri:- “War ma Adiga ayaa Abaal ii Gudi doona?”. isaga oo Quursanaaya ayuu iska sii daayay.

Maalin maalamaha ka mid ayaa Ugaarsato waxey Shabaqa ku Riteen Libaaxii, Geed weynna wey ku xireen, isla markiiba waxaa meel Fog ka arkay Dooligii, xaggii Libaaxa ayuu u soo Orday, wuxuuna Bilaabay inuu Xargihii Shabaqa jarjaro, ugu Dambeentiina wuu ku Guulaystay. Libaaxii ayaa u Riyaaqay, wuuna u Mahad celiyay Dooligii.

FIIRO GAAR AH.

Dulucda iyo Ujeeddada Sheekadani waxay tahay Weligaa Qofna ha Quursan, Sababtoo ah ma Ogid Awooda u Qarsoon.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply