fb

Sheeko Dadban:- Rag Iska Dhicin Baa Kala Weynaatay Guusha uu Gaaray!

Published: December 18, 2016, 9:58 pm

Nin Maalqabeen ah ayaa soo ururiyay Yaxaas, wuxuu ku riday barkadda dabaasha weyn ee guriga ugu taalay. Wuxuu dhalay gabar dhalinyaro oo aad u qurux badan welina aan la guursan.

Wuxuu go’aansaday inuu xaflad weyn gurigiisa ku sameeyo, marki dadki uu casumay yimaadeen ayuu ku yiri, “Martida sharafta leh, waxaan Ragga halkan jooga u hayaa soo jeedin.

Waxaan siinayaa hal Milyan oo Dollar ama gabadheyda ninki ku dhex dabaasha Berkadan Yaxaasyada ku jiraan, kana soo baxa isagoo aan waxba gaarin”

Isla marki uu hadalka dhameeyay ayaa waxa yeeray dhawaqa qof biyaha ku dhacay, Nin Somali ah ayaa si dhaqso ah u dabaalanayay, dadkina waxay bilaabeen inay u sacbiyaan. Ugu dambeyntii dhinaca kale ayuu ka soo baxay isagoo aan waxba gaarin.

Maalqabeenki oo la dhacsan geesinimada ninkan Soomaaliga ayaa ku yiri, “Tani waa cajiib! Ma moodeyn in la sameyn karo. Hada waa in aan ballanteydi oofiyaa. Ma gabadheyda ayaad rabtaa mise halka Milyan ee Dollar?

Ninki Soomaaliga oo aad u neef tuuraya ayaa yiri, “Dhageyso, ma rabo gabadhaada. Mana rabo lacagtaada. Waxaan rabaa in la i tuso keliya Doqonka Baastarka ah ee Berkada igu tuuray!!

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply