JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

SAWIRRO:- Warbixin Cajiib ah Haweeney 40 sano ka hor u geeriyootay qaniinyo Mas oo iyadoo nool ku soo laabatay gurigeeda

Published: January 14, 2017, 10:29 pm

Haweeney 82 sanno jir ah oo u dhalatay dalka India ayaa maalmo ka hor soo garaacday albaabka gurigeeda oo ku yaalla degaanka Kanpur ka dib markii 40 sanno ka hor meyd ahaan loo raaciyey wabiga Ganges River.

Xubno ka tirsan qoyskeeda ayaa sheegay haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Vilasa iney u dhimatay qaniinyada maska loo yaqaano cobra.

Xagaagii 1976dii, ayaa haweeneydaan 42 sanno jir aheyd meydkeeda la raaciyey wabiga Ganges River taasoo ah caado ay leeyihiin dadka wadanka India ku dhaqan qaarkood.

Balse 40 sanno ka dib Vilasa waxay maalmo ka hor ku soo laabatay iyadoo nool gurigeeda taasoo la yaab iyo fajac ku noqotay qoyskeeda, waxaana baaritaan dheer oo qoysku ay sameeyeen ka dib la xaqiijiyey in tani ay tahay gabadhoodii.

Haweeneydan ayaa sheegtay ineysan geeriyoon balse ay suuxsaneyd markii meyd ahaanta loo raacinayey webiga, ayna soo naaxday markii jirkeeda ay gaareen biyaha.

Vilasa ayaa sheegtay iney biyaha webiga ay geeyeen dhul aad uga fog halkii ay degenaayeen, waxayna xustay iney muddo badan xanuunsaneyd, maskaxdeeda qeybo ka mid ahna ayna xusuustii ka luntay balse ay ugu dambeyn awooday iney gurigooda ku soo laabato.

Arintan oo maalmahan si weyn looga hadal hayo wadanka India ayaa bogagooda hore ku soo daabacay wargeysyada ka soo baxa dalkaas.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply