JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

SAWIRRO:- Qiso Gaaban Oo Cajiib ah Muxuu La Kulmay Ninkii hindiga Ahaa Ee Ku Noolaa Sacuudi Carabiya..

Published: December 21, 2016, 3:15 am

Abdikariim Waa Nin u Dhashay Wadanka Hindiya, waxa uu ku Nool yahay Wadanka Sacuudiga, Waana Shaqaale Dhulka Nadiifiyo, Maalin Dhaweyd ayaa waxa uu Tagay Dukaan Dahabka lagu iibiyo Isaga oo ku Fakaraaya Marka uu Wadankiisa ku laabto Dahabka uu Gabadhiisa u Gadi lahaa.

Isagoo Dhalada Banaanka Dahabka Dawaanaaya ayaa waxaa arkay Nin Dhalinyaro ah wuxuuna ka Qaaday Sawir isaga oo ku Jees-jeesaayo wuxuuna Geliyay Twitter, wuxuuna ku soo Qoray (Ma Waxa uu u Maleeyay Qashin?. ka dibna Qosal Dheer ayuu Daba Dhigay).

Haddaba, waxaa aad u Faafay Sawikii iyo Hadalkii Wiilkii Dhalinyarada ahaa Ninkii Dukaanka lahaa ayaa isna soo Dhigay Fariin Barta Twitter isaga oo Dalbansaya Abdiakriin Ruuxii Yaqaano inuu si Degdeg ah ula soo Xiriiro.

Abdikariim waa la Helay Ninkii Dukaanka lahaa waxa uu Cabdikariim u Hadiyeeyay Sad Dahab ah, ahna Sadkii uu Fiirinaayay iyoTikid iyo Lacag.

Waxaa mar kale Haddana aad u Faafay Wanaaga uu Suubiyay Ninka iska leh Dukaanka, Ruux walbana wuxuu ugu Duceeyay Wax ka Kheir badan Rabi inuu ugu Badalo Wanaaga uu Suubiyay.

Sidaas darteed Marna Haku Jees’jeesin Ruux Riyadiisa iyo Waxa uu Jecelyahay inuu Gaaro, Sababtoo ah waxaa Suurtagal ah Jees’jeeska aad ku Jees’jeestay Darteed Rabbi in uu u Rumeeyo.

(ALOOW XAQA NA WAAFAJI).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply