fb

SAWIRO: Fanaaniinta loogu Jecel-yahay Hargeysa oo Bandhig Faneed ku qabanaya Muqdisho…

Published: January 24, 2017, 1:27 pm

Fannaaniintaasi oo ay ka mid yihiin Yurub Geenyo iyo Asma Love ayaa la filayaa inay Bandhig-Faneed dhigaan bartamaha bisha soo socota ee February.

Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye ayaa soo dhaweysay Fanniintaasi haatan ku sugan Muqdisho.

Kooxda Xiddiga Geeska waxay Taageerayaal badan ku leeyihiin magaalladda Muqdisho, inkastoo Kooxda oo uu fadhigoodu dhexe yahay magaalladda Hargeysa, haddana Maamulka Somaliland waxay cadaadis ku saaraan Fannaaniinta Reer Hargeysa inaysan u socdaalin Muqdisho iyo inaysan ka dhigi karin Bandhig Faneed.

Maamulka Somaliland waxay dabayaaqadii bishii September ee sanadkii 2015-kii Xabsiga dhigeen Fannaaniin ka tirsan Kooxda Xiddigaha Geeska, kuwaasi oo Bandhig Faneed ka dhigay Muqdisho.

Fannaaniintaasi oo dhowr maalin lagu hayey Xabsiga Hargeysa ayaa lagu kala magacaabaa Nicmaan Hilaac, C/raxmaan Oday, Maxamed Axmed Bakaal Cirro” iyo Xamda Queen.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply