JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Ronaldo Hooyadii oo Sheegtay Inay Saboolnimo darteed mar isku dayday inay Uurka ku Disho..

Published: November 30, 2016, 4:45 pm

Dolores Aveiro oo ah hooyada dhashay ciyaartowga Christiana Ronaldo, ayaa qiratay inay isku dayday markii ay uurkiisa lahayd inuu caloosheeda ku dhinto, iyadoo ay sabab u ahayd duruufaha nolosha oo aad ugu adkayd.

Waxayna intaasi ku dartay inuu Ronaldo ahaa ilmaheeddii afraad isla markaana aanay u hayn masaariif  ku filan ilma kale oo u dhasha.

Mr. Ronaldo hooyadii  ayaa sheegtay inay taasi dhakhaatiirtu ka diideen sababo dhinaca caafimaadka ah, laakiin ay iyadu iskeed u sii waday iyadoo cuni jirtay dawooyin badan oo ay doonaysaya inay ku disho iyo weliba iyadoo sheegtay inay ordi jirtay si uu ilmahaasi u dhinto.

Waxayna caddaysay inuu Ronaldo ogaaday arrinkaasi oo kula kaftamo “Hooyo  u fiirso, waxaad rabtay inaan dhinto imikana  waxaan ahay kan qoyska ugu mudan.”

Ciyaaryahankan ayaa caan ah oo laba jeer ku guulaystay abaal marinta xiddiga  dunida ugu wanaagsan isagoo qiimihiisuna gaadhay 112 malyuun oo doller.  (Source  RT Arabic)


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply