JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qur’aan Ha Ku Dhegysan Baska, Iyo Qisadii Ka Danbeysay..

Published: December 28, 2016, 3:43 pm

Dalka Ingiriiska magaalada London nin rakaab ah  ayaa laga dejiyay Baskii uu la socday kadib markii uu moobilkiisa ku dhegystay Qur’aanka kariimka ah.

Wadaha baska ayaa mar keliya ku dhawaaqay ka deg baska?. Ninka rakaabka ah iyo wadaha waxa dhex maray dood adag. gabadh ka mid ahayd rakaabka ayaa sheegtay in waduhu khaldan yahay  waayo?  ninkani wuxuu ku dhegaysanayay qur’aanka moobilkiisa cod hoose.

Waxa kale oo ay cadaysay in waduhu ka codsaday inuu bakhtiiyo Qur’aanka, iyadoo  ka dib-na ninku uu sidaasi sameeyay, laakiin hadda-na uu mar keliya is bedelay Derawalku oo ku yidhi mayee naga deg haddii aad dhegaysanayso Qur’aan.

Laakiin ninka raakabka ah ayaa  ku yidhi “Sidee ayaan uga degayaa waxaan bixiyay nooli, waxaanad  iga dalbatay in aan bakhtiiyo,  waanan sameyay?.

Wadaha  baska  ayaa ku yidhi  “booliiska ayaan u yeedhayaa”  laakiin ninka ayaa u sheegay inuu u yeedho isagoo u raaciyay inuu yahay cunsuri.

Boolisku  markii ay yimaadeen ayay wadaha u sheegeen inuu iska wato socodkiisa.

Xafiiska gaadiidka gudaha London ayaa sheegay inay baadhayaan arrinkan iyagoo kaashanaya hay’adda Metroline.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply