fb

Qoyskii Saboolka Ahaa Iyo Xaaskii Ninkeeda Saq Dhexe Ka Dalbatay Inuu Usoo Iibiyo Shanlo…

Published: February 21, 2017, 1:33 am

Waxay ahaayeen qoys sabool ah oo aan haysan wax dhaafsiisan nolol maalmeedka, habeenimadii ayay xaaskiisa ka codsatay inuu u soo iibiyo shanlada timaha.

Markiiba wuxuu ugu jawaabay isagoo aad u murugaysan “Ma karayo, waayo saacadaydaba waxa ka go’ay suunkii waan iibsan kari waayay”? Laakiin niyadiisa oo ay ogayd lama ay murmin waxayna u muujisay dareen wanaagsan.

Malintii labaad, markii uu shaqadii dhammeeyay ayuu suuqa tegay, waxaanu qiimo yar ku iibiyay saacadiisa, ka dibna wuxuu iibiyay shanladii xaaskiisu ka dalbatay.   Laakiin markii u guriga yimi wuxuu arkay Xaaskiisa oo timaheedii gaabisay , isla markaana gacanta ku haysa suun ay saacadiisa u soo iibisay.

Way is eegen isagoo mid kasta murugoonaya kalagacal awgeed.  Waa lamaane mid waliba uu doonayay inuu dhammaystiro kan kale baahidiisa, isagoo tiisa iskaba ilaabay. Waana dhaqanka iyo akhlaaqda nolosha qoyska wanaagsan.

Waxaanu qormadan ka soo xiganay Buuga  (Qoyska Islaamka).


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply