JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qormo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan ‘Guursashada Xaasas badan’ Iyo Qalinkii Anab Mohamud Shariif

Published: July 25, 2015, 12:00 am

Guursashada Xaasas badan:

Ugu horentii Ilaah ayaa mahad iska leh ,Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha haato ( NNKKH)  .

Intaas kadib,waxaan jecleystay inaan idin lawadaago mowduucaan anigoo ku eegaya aragtid diinta Islaamka,si  aan ooga wada faaideysano waxaan jeclahay inaad fikirkiina ila wadaagtaan.

Allah subxannahu watacaalaa  wax walba wuu u kaamilay ummadiisa oo diinteena ayuu wax walba noogu dhameystiray  ,culeys iyo dhibna ma saarin umana so dajin wax aan wanaag iyo Akheyr ugu jirin isagaa caalimul qeyb ah wax walbana  naga ogaansho badan , qofkastoo inaga  midi ahna  wuu  ogyahay  iney shareecadu baneysay Ninku inuu afar dumar ahi guursan karo  oo Qur’aanka kariimkay ku cadahay ,waana qofkii awooda oo  ka bixikara mas’uuliyadaas cadaaladana u wada sami kara,kii kalana halshiisa ayu ku ekeysanayaa,sida ay na tusineyso aadayaan (﴿ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً ﴾

Waxaana daliil u ah inuu guursan karo afarta xaas suuratu nisaa aayada 3aad.

 1

*Ogalaanshaha ay diidntu ogaalateyna waxey  leedahay shuruud :

1.inuu calaada u simo,xaga wax siinta ,dhaqaalaha mid walba waa inuu siiyaa inta uu siiyey tan kale.

2.Inuu yahay qof  awoodi karo nafaqada guriga.

Waxaana daliil u ah suratu nuur aayada 33aad oo odhaneysa. ( Ha dhawrsanaadeen kuwaan heyn  awood guur ınta Eebe kaga hodmın fadlıgııs). وَلْيَسْتَعْفِفِ الَّذِينَ لَا يَجِدُونَ نِكَاحًا حَتَّىٰ يُغْنِيَهُمُ اللَّهُ مِنْ فَضْلِهِ ۗ

* Sababaha loo baneeyey  xaasaska badan waxaa ka mid ah:

1.in Ummadu badato,ummada  oo la badiyaana waxey ku imaanee guurka oo la badiyo.

2.Tiro koobyo badan oo la sameeyey dumarkii baa ka batay raggii,oo haddii nin walba hal xaas ku ekaado ,dumar badani ma  helayaan guur.

  1. marmar qaar halka xaas cilad ayaa ku imaan karta,madhaleysnimo ,ama cudur halis ah inuu ku dhaco,ama iney dhasho.ama ay caado leedahay ,sidaa darteeda ninkii ma waxaa la odhan iska joog intey xaasku bogsaneyso,sidaas darteedbaa loogu baneeyey inuu yeesho xaasaskale si uusan xumaan ugu dhicin iyo macsi.

4.mararka qaraar waxaa dhacdaaa in haweneydu ka dhinto ninkeedu  aysan heleynin wax kafaala qaada ama aysan lahayn dad kale oo markaas nin xaas hore leh sidaas ku guursadaa kuna dhowrsanaantaa.

* Dad baa waxey  ku doodayaan,maxaa loogu baneyn waayey dumarkaba iney guursadaan afar nin hadey simanyihiin?

Sababta loogu diiday xaasku iney guursato afar nin ah:

A-nasabka ilmaheeda oo dhumaya,maxaa yeelay haddii afar nin ay guursato ma ay garaneyso ilmahaas key siin doonto ,taasoo oo ay ka dhalaneyso in mujtamaca oo dhan is dagaalo oo ilmahaas nimanku isku dilaan.

B-Ilmahoo mujtamasha ka soocma, oo farta lagu fiiqo.

C- iyadoo dowladu siin weyso aqoonsi dhalasho mar haddii aabaha la garaneynin.

D-iyadoo cuduro xun xun la kala qaado oo mujtamaca baabiya.

Ragga maxaa laga rabaa:

Waa ineysan niyada gashan afar buu allah ku baneeyey  midaad rabto ayaad guursaneysaa hadaad tan is fahmi weydaan, waana iney ka so baxaan waajibkuu Allah saaray,raacana shuuradaha , oo ay ixtiraamaan gabdhaha bartaana marka hore xaqa lagu leeyahay iyo key leeyihin,iskana ilaaliyaan xaqa dumarka,Allaha swt wax badan buu idin ka fududeeyey oo a h ineydaan simi karin jaceylka aad jeclaaneysaan  afartaas xaas ,daliilka aayada suuratu  nisaa aayada

2

Gabdhaha maxaa la gudboon:

horta Allaha unbaa wax baneyn kara waxna xaraatimeyn kara,dumar iyo ragg toona waxba ma baneeyaan,gabdhaha waxaa la gudboon in marka hore bartaan diinta si ay u kala fahmaan xaqooda iyo kan ninkooda,ay gartaana iney shareecadu baneysa, fahmaan ujeedka laga leeyahay waa iney diintooda ku fanaanaan oo ay kor u qaadaan ,waxey ogaalatayna ay fuliyaan,ummadaha kale ugu faanaan ma aha iney diidaan,waa iney gabdhahooda kale jaaniska wax ka siiyaan ,naftooda waxey la jecelyihiin la jeclaadaan walaalhooda kale : (لا يؤمن أحدكم حتى يحب لأخيه ما يحب لنفسه)

Gabdhaha  qaar  oo intay  guursadaan  rag xaasas hore leh hadana  gadaal buuq iyo khilaaf  aan dhamaad lahayn keenaan,marka horaba haku raacin nin xaas leh haku raali noqon ama ku samir wuxu yahay ileen adigaa ku so galee,Ilaahey umamadiisa dhib uma abuurin idinkana ha is dhibina,oo dumarow ragga ha dhibina,ragowna dumarka u naxariista.

Ugu dambeyntii waxaan leeyahay dumarka iyo raguba ha dadaaleen oo wixii xuquuq ah ilaaheyna ku waajibiyey ha ilaaliyeen.

Wixii sax ah oon qorayna waa mid xagga EEBE ka timid, wixii khaladna waa mid nafsadayda ka timid waxaana rajaynayaa in dhamaan laga wada faa’idaysan doono inshaAllah.

Wabbillahi Tawfiiq.

Qore: Canab Maxamud Sharif
Taariikh:  Luuliyo 25, 2015 –  10, 8, 1436
Email: hayin56@hotmail.com


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Qormo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan ‘Guursashada Xaasas badan’ Iyo Qalinkii Anab Mohamud Shariif

  1. asc dhamaan aqristayaasha &bahda kobciye walasheen allh ajar&xasanaad hakasiiyo anagana kuwii ku wanaqata allh hanagadhigo rag&dumarba allah hanaga yeelo kuwii ku camal fala ayaadka allh&sunada rasulka scw, aamin aamin aamin yarabi

Leave a Reply