fb

Qiso Macalimadii Mareykanka Aheyd Ee Ardayda Soomaaliyeed Weydiisay…!!

Published: February 24, 2017, 4:01 pm

Macalimad Mareykan ah ayaa weydiisay Arday Soomaali ah oo markaa Schoolka la keenay, “Maxaad ka cabaneysaa?”

Ardaygi: “Aad baan uga Maskax sareeyaa Fasalka 1aad. Walaashey waxay dhigataa Fasalka 3aad, aniguna waan ka caqli badnahay iyada! Marka waa in aan dhigtaa Fasalka Afraad.

Macalimadi waxay u geysay Maamulihi oo uga warantay. Maamulihi wuxuu weydiiyay Su’aalo fasalka 3aad sida 3 x 3 oo uu kaga jawaabay 9, 6 x 6 oo uu kaga jawaabay 36, iyo qaar kale oo caadi ah dhamaan wuu ka jawaabay. Ka dibmna wuxuu yiri, Waxaan filayaa in uu Fasalka Afraad dhigan karo.

Macalimadi ayaa tiri, “Aan weydiiyo Su’aalo markeygi bal in uu ka jawaabo. Maamulihi waa ku waafaqay.

Macalimadi: “Maxay Lo’du leedahay Afar, aniguna aan leeyahay Labo?”
Wiilki Ardayga: Lugo

Macalimadi: “Waa maxay wax aad Surweelkaaga ku heysato laakiin aan anigu lahayn?”
Wiilki: Jeeb

Macalimadi: “Waa maxay wax la geliyo gudaha isagoo adag midabkiisuna Pink yahay, soona baxa isagoo jilicsan oo jiid-jiidmaya?”
Wiilki: Xanjo

Maamulihi afkuu gacanta saaray isagoo la yaaban su’aalaha ay weydiinayso & sida wiilka Soomaaliga uga jawaabayo.

Macalimadi: “Waa maxay wax ka bilowda ‘F’ kuna dhamaada ‘K’ oo damin kara qof dab ku shidan yahay?”
Wiilki: Firetruck  (= Dabdamis)

Macalimadi: “Waa maxay wax dhererkiisu yahay 6 inch, balaciisuna yahay 2 inch, dumarkana Waali ku ridi kara markay arkaan”

Wiilki: Waa Lacagta Boqolka Dollar

Macalimadi oo neef tuureysa ayaa joojisay su’aalihi. Maamulihi oo isaguna afka kala hayay ayaa yiri, “Gee Fasalka Lixaad!”

Adigoo runta sheegaya sida Wiilkaa ma uga jawaabi lahayd hadii Su’aalahaa lagu weydiiyo mise si kale ayaa u fahmi lahayd oo uga jawaabi lahayd?

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply