JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Inoogu Filan Cibro Qaadasho Is Weeydii Ma Qarin Kartaa Ceebaha Dadka ?

Published: January 11, 2017, 11:25 pm

Boqor  isha ka cawaran  isla markaana laangadhe ahaa (jiis)  ayaa maalin isugu yeedhay ragii sawir gacmeedka yaqaanay oo dhan.

Wuxuu  ku yidhi “I sawira,  laakiin waa  in aydaan haba yaraatee wax ceeb jidheed ah ii yeeliin oo aad qarisaan naafadayda”.

Dhamaan sawirleyaashii way diideen waxayna ku jawaabeen “Maya, adigoo cawaran oo laangadhe ah sidee ayaan qof caadi ah kaaga dhigi karaa? .

Markii boqorku ku adkaystay  ayay iska tageen,  laakiin mid ka mid ah sawirleyaasha ayaa ku yidhi boqorka:

“Anigaa  ku sawiraya adigoon ceeb lahayn”.

Kadib-na  waa  la yaabay laakiin xaqiiqdii wuu sawiray.  Waxaanu  ka dhigay in boqorku ugaadhsanayo oo ishii cawar-nayd  uu isku qabtay, isla marakana lugtii curyaanka ahayd dhulka dhigtay si uu ugaadha u dilo.

Sidaas ayaynu u qarin karaa ceebaha dadka muslimiinta inkastoo ay muuqdaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply