fb

Qiso Gaaban Oo Xanuun Badan Maxey La Kulantay Gabadhii Riyada Ku Nooleyd..

Published: January 31, 2017, 1:31 pm

Waxaan ahaa Gabar Calafkeeda sugeysa. waxaan lahaa Hammi aqooneed, waxaan lahaa Hiigsi iyo Himmilo aad u sarreysa, ka hor intaan Niyada layga jebin oo Qalbiga leyga Dhaawicin.

Waxaan ku noolaa Magaaladdii aan ku dhashay ee aan ku gaaray 18jir, Wiilal iyo Gabdhaba waa intaan is naqaanay ee aan weligeena soo wada Noolayn, gidigood waxaan u arkaayey Xoog aan ka Dugsanaayo Shisheeyaha, Aqal iga Celinaayo Dhaxanta, ismana laheyn Xaashaa lillaah Raggii Gayaankaaga ahaa, ayaa Adiga dib kuugu soo jeesanaayo oo hadba Dhinac kuu jiidanaaya.

ma garan waayeen inaan Walaashood ahay, ma garan waayeen inaan Gabadhoodii ahay, ma gocan waayeen Xormadii iyo Sharaftii Hablaha ay Mudnaayeen. Lixda Nin ma kala roonaan waayeen, ma Gunnimey isku wada raaceen, ma Kufsigeyga iyo Qalbi Jabkeyga bey ku Heshiiyeen. hadday i Kufsadeen maxay ii Jir dileen, Cakuye maxey ii Fadeexadeeyeen, Go’aye maxay Cizigeygii iyo Sharafteydii ugu Tunteen.

Uur ku taalo weynaa, Calaacal muxuu ii tarayaa, Oohintu maxay ii Qabaneysaa, waxaan noqday Ruux keligiisa oo Garab iyo Gaashaanba aan heysan. Rajo waxaan qabaa haddii Xaqeyga leyga jaro kuwa i Dulleeyey, i Galaaftay ee Mustaqbalkeyga i Seejiyey. Qofkii igu Garab istaagaa arrintaasi waa ii Hiiliyey oo ii Damqaday, iina Naxariistay. Cid aan Hiil ka sugayaa ma jirto oo Allaah aheyn, ee ilaahoow kuwii sidaan ii galay Xaqeyga iiga qaad yaa Allaah.

(ILAAHOOW ISLAAMKA U HIILI).
W.Q:- Macoow Ustaad.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply