fb

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Iyo Feylasuufkii Fashiliyay Tuugadii Qiyaantay Boqorka..

Published: January 7, 2017, 6:14 pm

Boqorkii Heri   wakhtigii u xukumi  jiray “Syracuse”,  oo wakhtigan Talyaaniga ah ayaa dahab badan u geeyay nin hawlaha boqorka qaban jiray.  Waxaanu  ka dalbaday inuu taaj weyn oo qurux badan uga sameeyo.

Laakiin markii uu u keenay Taajka boqorka, waxaa  shaki ku dhacay boqorka isagoo ka shakiyay in aanu Taajkani wada ahayn Dahabkii uu u geeyay ee qaybo lacag ahi ku jiraan, taasina waxayna keentay muran.

Aqoonyahankii wakhtigooda ayaa ahaa faylasuufka Archimedes,  waxaanu raadiyay inuu arrintan cadeeyo.  Maalmo  badan ayaa arrinkaasi socday. Laakiin maalin isagoo Archimedes ku maydhanaya xamaamada caamka ee dadka ka dhexeeya ee magaalada Syracuse ayuu aad ugu fiirsaday cadaadiska biyaha xagga sare kaga imanaya ee uu ku maydhanyay.

Isagoo aan is gayn oo aan dharkii xidhan ayuu magaalada dhex maray wuxuuna ku qaylinayay “Urika” Urika” oo ah waan helay.   Muxu helay?

Markiiba wuxuu  codsaday in loo keeno Taajka, qiyaas macdan iyo lacag ah oo isaga la miisaan ah iyo biyo. Saddexda ayuu mid kasta mar geliyay weelka biyuhu ku jiraan, kadib-na biyihi ayuu miisaamay  marka uu ka soo saaro.

Waxa halkaasi uga soo baxay in qiyaasta  biyaha ku jira ay ka weyn tahay xadiga dahabka uu ka samaysan yahay Taajku, kana yar tahay xadiga lacagta.

Waxaana cadaatay in Taajku aanu ahayn dahab saafi ah iyo lacag saafi midna,  laakiin uu isugu jiro dahab iyo lacag. Taasi oo ah sidii boqorkuba shakiga ka qabay.

Halkaasi ayuu ku qirtay ninkii inuu khiyaamo sameeyay. Waxaana arritan la  yidhaahdaa  masaladii cilmiga ahayd ee tuugada fashilisay.

Faylasuufkani wuxuu ahaa Archimedes,  wuxuu ku dhashay magaalada, “Syracuse”,  aabihii wuxuu  ahaa  mid aqoonta xidigiska aad u yaqaana (astronomer).

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply