JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Cajiib Ah ‘Weligaa Khiyaamada Iska Ilaali! Maxey La Kulmeen Odaygii Beeraleyda Ahaa Iyo Gabadhiisa..

Published: November 30, 2016, 1:31 pm

Malin kasta marka uu ninka beeralayda ahi yimaado magaalada wuxuu  keeni jiray subag ay gabadhiisu samaysay isagoo ku soo qaadi jiray weel uu qiyaas ahaan ka dhigay hal kiilo.

Waxaana uu ka iibin jiray nin lahaa goob Dukaanle ah oo macmiil u ahaa oo isaguna ka iibsan jiray wixii uu u baahnaa ee sonkor, shaah, Roodhi iyo kolba wixii kale ee u baahdo.

Ninka dukaanlihii ayaa maalin ka shakiyay inu miisaanka subagu yahay halka kiiloo ee uu ugu sheego kana yar yahay, ka dibna wuu miisaamay, waxaana uu noqday 900 Gr, iyadoo 100Gr iska dhimeen Kiiloogii, mar labaad ayuu ku celiyay isla sidiisii ayuu noqday.

Ninka dukaanlihii ayaa aad u cadhooday isagoo ka xumaaday sida u kaska ah ee uu ninkan Beeralydi ahi u dhici jiray maalin kasta.

Maalintii danbe markii uu keenay subagii ayuu isagoo cadhaysan ku yidhi “ Anigu macmiil kuuma noqon karo khaayin ayaad tahay kiiloo kasta waxa a ka dhiman 100Gr.”

Ninkii beeralayda ahaa ayaa  madaxa  ruxay,  waxaanu ku yidhi “Anagu waxaanu nahay dad sabool ah, mana haysano miisaan, laakiin adiga waxaan ka iibsadaa maalin kasta Kiilo sonkor ah kaasi ayaan ku soo qiyaasaa.

markaa  haddii uu dhinmay subagu adiga-na waxaa  dhiman kiilooga sonkorta ah. Ogow markasta oo aad si isku daydo in aad dadka khiyaamayso inay adiga kugu dhacayso.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply