JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Cajiib Ah Oo Ka Danbeysay Adoontii Boqoradda Noqotay !

Published: December 29, 2016, 9:14 am

Waxay ku dhalatay Boqoradda Hurrem magaalo ku taalla galbeedka dalka Ukrain sanadkii 1500,   Ciidamadii Tartaarka ayaa magaaladii ay deganayd  soo weeraray ka dib-na way soo qafasheen waxayna jaariyad ahaan uga iibiyeen boqorkii Cusmaaniyiinta Boqor Sulaymaan Qanuuni.

Waxay ka mid ahayd hablihii u shaqynayay boqorka, iyadoo markii danbe si gaar ah iyadu ugu shaqayn jirtay  Magaceeda  waxaa  la odhan jiray Iskadar waxaana ka bedelay oo u bixiyay Hurrem boqor Sulaymaan. markii danbe waxaa  guursaday boqorka oo ay u dhashay 6 caruur ah, waxayna noqotay boqorada dalka.

Inkastoo  eedo badan loo soo jeediyo oo ah inay ka danbaysay dilal xididka boqorka ah, hadda-na waxay noqotay jaariyadii keliya hayd  ee noqotay boqorad maadaama oo uu si shraci ah u guursaday boqor Sulaymaan oo Cusmaaniyiinta xukumayay.

Waxaana la odhan jiray jaariyaddi Ruushka ahayd ee uu jeclaaday  boqorka Sulaymaan. Waxa kale oo loo yaqaanay  kariimi iyo Umu Muxamed.

Waxay  dhistay masaajido badan iyo cusbitaal dumarka  u gaar ah oo ku yaalla Istanbul, madaaris  iyo laba xarumood oo raashinka lagu diyaarin jiray oo ku yaalay Maka iyo Qudus.

Waxay dhimatay sanadkii 1558-kii.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply