JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qiso Aad Iyo Aad Cajiib U Ah Samo-falka Agoonta Iyo Ahmiyada Aay Leedahay..!!

Published: November 30, 2016, 6:36 pm

Markii u odaygeedu dhintay waxay haysatay afar hablood oo yar-yar, waxayna ku noolayd magaalo ay ku badan yihiin dadka muslimiinta ahi. Hooyadan iyo caruurteeda yar-yar oo wada muslim ah waxa ku adkaatay nolosha. Sida Kitaabka ku qoran ayaa hooyada ay uga guurtay magaalo kale oo ay ku badan yihiin dadka asnaamta  caaabuda.

Markii ay tagtay waxay raadisay goob masaajid ah oo ay weydiisato kaalmo waxaana loo tilmamay masaajid ku yaal magaalada cidhifkeeda, markii ay u tagtay  waxay u sheegtay waayaheeda iyo dhibta haysata iyo inay uga baahan tahay kaalmo. Imaamka ayaa ku yidhi “maxaa caddaynaya inaad muslimiin tihiin?.”

Hooyadii  iyadoo jawaab u weyday su’ashii ayay isakaga tagtay oo dib u noqotay, iyadoo cadceeduna kululayd. Waxay ku soo baxday goob ay joogaan kuwa aan Islaam ahayn, waxayna wadaadkoodii ka codsatay inuu caawiyo markii ay arrinkeeda u sheegtay ayuu ku yidhi soo kaxeyso caruurtaada oo gurigayga jooga wax ka cuna oo qoyskayga la dega.

Iyagoo halkooda maaalmo ku nastay, ayaa imaamkii Masajidka ku riyooday Rasuulka Allah (SCW) oo hor taagan  guri weyn oo Janada ku yaalla, oo dad badan oo Imaamku ka mid yahayn ay hor tagan yihiin. Waxaana Rasuulka Allah (SCW) lahaa “Waar Yaa Islaam ah oo aan gurigan siiyaa?”

Waxa gacanta taagay Imaamkii oo yidhi “Aniga. Rasuulkuna (SCW) wuxuu  ugu jawaabay “Maxaa caddaynaya inaad Islaam tahay soo digii caruurta agoonta ahayd eryay”.  Imaamkii markii uu toosay ayuu isagoo lacag badan sida soo raadiyay qoyskii agoonta ahaa. Markii uu waraystay ugu dambaystii waxa u helay inay gurigii wadaadkii kooxda sanam caabudka ah  joogaan, waxaana uu ka codsaday inuu lacag wuxuu doono  qaato oo uu soo raaciyo.

Wadaadkii ayaa ugu jawaabay “Soo arki maysid inay caruurtii agoonta ahayd, la ciyaarayaan kuwaygii, hooyadoodna la sheekaysanayso xaaskaygii iyagoo faraxsam. Lagama yaabo inay qoyskani gurigana ka baxaan, waana naxariis akhlaaqdooda ayanu ka helay oo ku qaadanay diinta Islaamka.

Markii uu arrinkaasi u sheegay ayuu wadaadku iska aamusaya oo ka tegay. Waa in agoonta aad loogu naxariisto.  Qisadani Waxa Kitabkiisa (Al Saaca Wa Saaca), ku Qoray Sheekh Maxamed Al-Masri.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply