JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qaar Ka Mid Ah Maxaabiis Xabsiyada Kaga Baxsaday Farsamooyin Ay Fikireen..

Published: November 30, 2016, 1:35 pm

Wuxuu dhashay dalka Hindiya Mr.Punamin  waxana loo xidhay isagoo  ganacsan jiray mukhaadraadka , laakiin wuxu sameeyay  khiyaamo yaab leh oo uu kaga fakaday xadhigii dheeraa ee la xidhi lahaa.

Maalin kasta   waxa loo keeni cuntooyin macmaan oo kala duwan oo kuwaasi oo uu marka danbe ilaalada baray inay la cunaan. Iyagoo markii ku soo ururi jiray marka la keeno.

Maalin danbe ayuu ugu soo daray mukhaadaraad taasi oo ahayd ujeedadii uu ka lahaa , markii ay cunaaen dhamaantood waxay noqdeen kuwo sakhraamay oo qaarood halkiiba ku gam’ay, waxaana uu fududaatay inuu jeelka ka baxsado isagoo Dalkan Hindiya iska baxay.

Sanadkii 2007-kii  jeel isna ku yaalla dalka Maraykanka waxa ka baxsaday nin lagu magacaabi jiray Modie ka dib markii uu siiyay ciidanka 50 kun doller kuwaasi oo u fududeeyay inuu baxsado, ilaa maanta lama garanayo meel uu joogo, Ninkaasi ayaa  loo haystay dil.

Dhinaca dalka Ruushkan jeel weyn oo ku yaal  waxa ka baxsaday Frank Abagna waxaana u fudeedyay inuu baxsado saaxiibadiisa la xidhnaa oo askarta ilaalada  ku qanciyay inuu yahay nin basaas ah oo dawladu soo dirtay oo doonayay   inuu ogaado sida askartu ula dhaqanto, isla markaana uu yahay baadhe qarsoon.

Waana dhaqamada shuuciyadda. Wuxuu soo samaystay waraaqo muujinaya inuu yahay baadhe qarsoon oo been ah, kuwaasi oo ilaalada  saaxiibadiisa la xidho ay  u sheegeen inay ka soo xadeen isaga jeebadiisa. Ilaalada ayaa intaasi kadib ogolaatay inay is dhaafiyaan oo sii daayay.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply