JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Q1aad Faalliyaasha Dunida Iyo Waxyaabaha Aay Yiraahdeen Wey Dhici Doonaan Sanadka 2017

Published: January 10, 2017, 11:58 am

Saadaalo kale iyo sannadka 2017

Marka aynu ka nimadno saadaasha Nostradamus waxaa sannad kasta dhacda in boqollaal faaliyeyaal iyo xiddigiyeyaal dunida ku filqan ahi ay sii saadaaliyaan waxa ay la tahay in uu sannadka cusubi la curan doono.

Waxaa iyaguna jira xeeldheerayaal dhacdooyika darsa oo lafa-gura kadibna kala soo baxa qiyaasta jihada uu xaalku u socon doono dhacdadaas kadib, waxa ay qolada hore kaga duwan yihiinna waa in inta badan saadaashoodu ay leedahay sabab ay u cuskanayaan oo haddii lagala doodo ay sheegi karaan sababta ay u filayaan dhacdadaas, halka qolada xiddigiska iyo faalku ay keliya sheegi karaan waxa ay saadaalinayaan oo aanay ku xidhayn xujada ay u cuskanayaan iyo sababta ay ugu maleeyeen in sidaa uu xaal noqon doono, waxa kale oo ay qolada dambe kuwaas hore kaga duwan yihiin waa in saadaashoodu ay leedahay waqti xaddidan oo aanay sida saadaasha ahayn mid furan oo qarniyo iyo xitaa tobannaan sano kadib sii sheegaysa waxa dhici kara.

Qaybtan hoose ee qormadeenna waxa aynu ku eegayaa saadaasha ku salaysan fikirkaas dambe ee warbaahinta kala duwani ka  qortay waxa sannadka 2017 la filan karo:

Carabta:

– Woqooyi Afrika: Sannadka 2017ka waxaa la saadaalinayaa in gobalka woqooyiga Afrika oo Carabta looga yaqaanno galbeedka Carbeed, uu waajahi doono xasilooni darrooyin siyaasi ah oo kala duwan. Tusaale ahaa in ay ka dhici doonaan dhacdooyin lula ama xujo culus ku noqda amniga iyo deggenaanshiyaha dalalkan oo imikaba ay ka jirto xasilooni darro badan oo la soo bilowday kacdoonnadii gu’ga carabta ee ka bilowday dalka Tuuniisiya.

– Waxaa jirta cabsi bada oo laga qabo in sannadkan ay isku dhici doonaan dalka Marooko iyo jabhadda gooni-goosadka ah ee Polisario. Labada dhinac oo dagaallo badani hore u dhex mareen ayaa aakhirkii sannadkii 1991kii isla qaatay xabbad joojin ay Qaramda Midoobey ka soo shaqaysay, oo loogu talogalay in muddo loo cayimay kadib dhulka saxaraha Polisario laga qabto afti dadweyne oo ay dadka deegaankaasi go’aan ka gaadhaan ka sii mid ahaanshaha dawladda Marooko iyo kala go’i taankeeda.

Aftidaasi ma’ay dhicin, waxa aanay u muuqataa in bulshada caalamku ku qasbi kari weyday dalka Marooko in aftidaas la qabto, muddooyinkii dambana qadiyadda dadka Polisario waxaa indhaha dunida ka jeediyey xasilooni darrada iyo xaaladaha sida xawliga ah isu bed-beddela ee dunida ku soo kordhay.

Sidaa awgeed dad badan ayaa iyaga oo ka qiyaas qaadanaya xaaladda hadda jirta iyo dhinaca geeddigu u jihaysan yahay waxa ay aaminsan yihiin in sannadka 2017ka ay adag tahay in ay labadan dhinac dagaal isla gafaan. Waxaa iyaguna  colaaddan dhinac kaga jira dalalka Muritaaniya iyo Aljeeriya oo siyaasad ahaan ay aad isaga soo horjeedaan dalka Marooko.

Geerida Buu-Tafliiqa:

Qorraxdii kasta ee soo baxdaa waxa ay dalka Aljeeriya ku sii kordhisaa cabsida xasilooni darro iyo xiisado siyaasdeed oo dalka ka dhaca, in xaalka caafimaad ee madaxweynaha la iska waraystaana waxa ay ka mid tahay nolol maalmeedka caadiga ah ee muwaadiniinta. Iyada oo la moodo in dadka dhammaantood ay tirinayaan tirada maalmo loo sheegay in hoggaanka dalkoodu si kedis ah oo aan ku talogal ahay meesha uga baxo.

Cabsidani muwaadiniinta oo keliya ma hayso, balse bulshada caalamka oo dhan, gaar ahaan dalalka xdhiidhada kala duwan la’ leh ee danaynaya xasiloonida dalka Aljeeriya oo dhammaantood ka cabsi qaba in madaxweyne Cabdalcasiis Buu-tafliiqa dabadii xukunka si nabdoon loola kala wareegi waayo. taasoo haddii ay dhacdo keeni karta khalkhal ku yimaadd nimaadka dawladnimo ee dalkaas, saamayna ku yeelata guud ahaan ammaanka iyo xasiloonida gobalk oo markiisa horeba aan xasiloonidiisu lugo adag ku taagnayn.

Madaxweyne Cabdicasiis Buu-Tafliiqa oo markii uu xilka madaxweynenimo qabtay muddo gaaban gudaheed loo tixgeliyey in uu yahay hoggaamiye mideeyey dalka Aljeeriya oo xilligaas si aad u fool xun ugu qaybsanaa siyaasadda, ayaa sannadihii u dambeeyey ay xaaladdiisa caafimaad maalin kasta ka sii daraysay.

Nidaam dimuqraaddi ah oo aan dalkaas ka jirin, kacdoonnadii gu’ga carabta ee xasilooni darrada iyo burburka ka abuuray gobalka oo dalkana si saamayn ugu yeeshay iyo dadka dalka oo xaraaradda cadhada ay xukuumaddooda u qabaan sarrayso ayaa ka mid ah sababaha sii badiyey cabsida laga qabo in haddii madaxweyne Buu-Tafliiqa meesha si kedis ah uga baxo ay dalk u horseedi karto xasilooni darro.

Waxa aan iyagana la iska indho tiri karin islaamiyiita jihaadiyiinta ah ee dalkaas sida tooska ah iyo sida dadbanba uga hawlgala oo la og yahay in fursadda ugu weyn ee ay sugayaan ay tahay xaaladda ka dhalatay geeri ku timaadda madaxweynaha.

Dad badan oo la socda xaaladda madaxweynaha sariir yaalka ah oo aan muddo la arag isaga oo hadlaya muuqiisuna dadkak u yar yahay marka laga reebo marar dhif ah oo isaga oo gaadhi curyaan saaran talefishanka laga soo saaro, ayaa ay dad badani saadaaliyaan in aanu lahayn indho caafimaad oo loo malayn karo in ay dhammaysanayaan sannadka 2017ka. Waqtiga dhimashada ee aadamaha se Alle ayuun baa og. La soco………………


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply