fb

“Noqo sida ubaxa oo xataa gacmaha jaraya siiya udgoon” Xikmadaha Kobciye.Com

Published: January 2, 2017, 10:24 pm

“Inaad awoodaadu intay tahay u noolato iyadoo wax badani ka maqan yihiin ayaa ka wanaagsan inaad u noolaato nolol ku dayasho cid kale ah, xataa haday tahay mid dhamaystiran”.

Faysluusf ayaa yidhi  “ Waalidu maaha wax kale waa inaad arrin wadadii uu kaaga khaldamay ku celceliso adigoo filaya markaad ku celceliso in jawaab saxa aad helayso”.

“ Wax kasta oo aad ku riyooto lama helo, waxa la helaa waxaad u dadaasho”.

“ Aar gudashada u weyni waa adigoo cafis sameeya”.

“ Noqo sida ubaxa  oo xataa gacmaha jaraya siiya udgoon”.

“ Wanaag horumarso si markaaga laguu wanaajiyo”.

“Go’aanka kasta oo aad gaadhayso ka fikir wuxu horseedayo”.

Share sii dheh oo sii gaarsii asxaabtaada..


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply