JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Nolosha Sideedaba Iney Imtixaan Tahay Waxaa Inoo Cadeynayo Arrimahaan Oo Idil..!!

Published: December 14, 2016, 6:43 pm

Noloshu waa Imtixaan

Xaqiiqdii, Noloshu waa Imtixaan. Waxaa nalagu imtixaanayaa Cabsi, Gaajo, Maal, Awlaad, Xanuun, Faqri, inaan weyno kuwa aan jecelnahay, Xukun iyo Awood. Alle SWT wuxuu doonayaa inuu eego in Iimaankeenu dhab yahay. Ilaa xadka saburkeenu gaarsiisan yahay.

Ilaa inta aan adkeysi leenahay, ilaa inta aan ku dadaaleyno in aan Imtixaanka aduunka gudubno, Ilaa inta aan wanaaga iyo camal suuban sameyn karno ama in aan is dhiibno haddii waswaas yar Sheydaan xagiisa nooga yimaado, in aan xumaan sameyno haddii dhibaato yar na soo wajahdo. Ogow Imtixaan kasta oo Alle xagiisa ka ahaada waa mid kheyr inoo ah.

In badan oo naga mid ah waxaynu ognahay in markaan Schoolada dhiganeyno ay tahay inaan marno Imtixaano, waxaan sameynaa dadaal aad u badan si aan u gudubno imtixaankaa, iyadoo haddii aan pass-no aan faraxno, haddii la dhaco la murugoodo, dibna loo noqdo. Waxaa kale oo fahansanahay in waxa nalagu imtixaanayo aynaan annagu soo xulan oo ay tahay in Macallinku soo xulo, marka naloo keeno ma jiro arday ka dooda ee waan aqbalnaa, waxaana ku dadaalnaa sidaan uga shaqeyn lahayn.

Haddaba, ka waran Imtixaanka Alle ee Aduunkan si la inagu kala saaro, iyadoo aan ognahay in Imtixaanka Noloshu ka duwan yahay kan School-ka: School-ka waxaa lagu baraa cashar ka dibna waxaa lagu siiyaa imtixaan. Nolosha, waxaa lagu siiyaa oo soo hormara Imtixaanka si uu kuu baro Cashar.

Imtixaanka nolosha wuxuu kuu noqon karaa musiibo ama guuleysasho, waxay ku xiran tahay sidaad wax uga qabato. Guushu ma timaado hadaan loo dhibtoon, waxaa lagu gaaraa dadaal iyo shaqo adag.

Eebe ha noo fududeeyo imtixaanka Aduun & kan Aakhiro. Alle ha naga yeelo kuwa ku sabura Qadarta Alle. Kuwi marki ay musiibo ku dhacdo yiraahda; Ilaahay baa na leh xaggiisa ayaana u noqoneynaa.

Share – sii faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply