fb

Nolol Iyo Geeriba Way Is Shabaheen! Wax Badan Ka Ogoow Taariikh Mareykanka Soo Martay..

Published: December 19, 2016, 5:35 pm

Waxaa  ilaa hadda aan macno buuxa  loo helin sida ay isaga shabaheen arrimo badan laba madaxweyne oo Maraykanka soo maray,  kuwaasi oo kala ahaa Abraham Lincoln iyo John F.kenedy.

Abrahm Lincolin waxaa la doortay sanadkii 1860, halka Jhon F. Kendy isaga-na la doortay 1960. Waxa kale oo ay isaga  mid noqdeen iyadoo labada madaxweyna-ba la dilay, isla maalin Jimce oo weliba madaxa laga toogtay.

Goobta lagu dilay labadooda-ba  waa xarunta Tiyaartaka Ford (Theatre Ford). Abraham Lincolin waxa jagadii madaxweyne ee uu baneeyay  qabtay oo uga danbeeyay Andre Johnson oo dhashay 1808, halka Kendy uu uga danbeeyay Leindo Jhonson oo dhashay  sanadkii  1908-ka.

Isu eekaanshahan ayaanay fahmin dad badani laakiin ay aaminsan yihiin inay tahay arrimo si u kas ah la isugu eekaysiiyay ka dib markii  arrinka lagu dilay uu ka soo fulay  isku goob.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply