fb

Nasashada Isbuuca Iyo Sheeko Aad U Xiiso Badan Wiilkii Aabihiis La Dardaarmay..!!

Published: March 8, 2017, 1:14 am

Nin ayaa sii sagootinayay Aabihii oo waayeel ah Safarna u ahaa Gobol kale. Markuu Baska saaray ayuu ku yiri, “Aabe ha hilmaamin Tuulo hebel” wuuna ka tagay.

Goortii Baski wax yar socday, ayuu Odaygi wuxuu u qeyliyay Darewalki, “Tuulo hebel ma la gaaray?”

Darewalki ayaa ugu jawaabay, “Weli ma dhowa” Xoogaa markay socdeen ayuu Odaygi hadana isla su’aashi weydiyay, Darewalki oo markaan xanaaqsan ayaa ugu jawaabay, “Adeer weli weeye, iska aamus”.

Hadana mar saddexaad ayuu odaygi intuu istaagay weydiiyay, “Tuula Hebel ma la gaaray?” Darewalki oo markaan aad u carooday ayaa ku yiri, “Maya ee Adeer naga fariiso”. Rikoorka ayuuna daaray oo codka yara dheereeyay.

Odaygi oo wax badan aamusnaa ayaa hal mar booday oo cod dheer ku yiri, “War Tuuladi ma la gaaray”?
Darewalki ayaa markan yiri, “Adeer waa ka xunahay, saacad ka hor ayaan soo dhaafnay, laakiin waa ku noqoneynaa si aan hal mar isaga kaa dejino” Dadki baa qeylo iyo buuq ku dhuftay iyagoo ka xun in dib loo noqdo saacad kale laakiin Darewalki dib ayuu u ceshay, goortii uu Tuuladi gaaray ayuu ku yiri, “Waa tan tuuladi aad nagu wareerisay ee mar naga deg”

Odagyi ayaa intuu Bac uu watay Kaniiniyo ka soo saaray, wuxuu yiri, “Wiikeyga ayaa igu yiri Tuulo hebel markaa mareyso Kaniiniyadaada Laq, marka horay inoo dhaqaaji isku Gobol baan u wada soconaa!”


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

One Comment : Nasashada Isbuuca Iyo Sheeko Aad U Xiiso Badan Wiilkii Aabihiis La Dardaarmay..!!

  1. musa mohammed says:

    so crazy

Leave a Reply