fb

MUUQAAL CUSUB & SAWIRRO: Qaabkii Xukunka loogu fuliyey Dhalinyaradii Kufsiga ee Galdogob (Xog Buuxda)

Published: January 29, 2017, 10:49 pm

Go’aankii ugu danbeeyay ayaa maanta lagu riday dhalinyaradii degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ku kufsaday laba gabdhood oo kiiskoodu mid mid si weyn u faafay.

Guddi culimo ah oo kiiskan loo saaray ayaa ku dhawaaqay go’aanka laga gaaray kiiska kufsiga ah, waxaaana xukunka lagu fuliyay dhalinyaradaasi oo ku eedeysnaa kufsiga Laba Gabdhood.

Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa ku sugnaa wasiirro katirsan Maamulka Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirka Cadaalada Saalax Xabiib Jaamac, Wasiirka Haweenka Aniso Xaaji Muumin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdiqaadir Shire Faarax.

Ciidamo fara badan ayaa goobta la geeyay si fulinta xukunka ay u ilaaliyaan, waxaana xukunka lagu fuliyay shan wiil oo dhalinyaro ah uuna ka mid yahay wiil la dhashay Ex. Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaasoo 15 sano jir ah.

XUKUNKA LAGU FULIYAY & MAGACYADA DEMBIILAYAASHA HOOS KA AKHRISO

1- Shirwac Jaamac 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 4,620$

2- Yaasir Maahir 6 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 3,520$

3- Yaxye Cabdulaahi Awkax 7 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah iyo lacag magdhow ah oo 1,760$

4- Ayaale Wale 8 Sano iyo 100 Jeedal iyo lacag magdhow ah oo 2,560$

5- Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal iyo lacag magdhow ah oo 1,760$

Lacagta magdhow ah ee loo xukumay gabdha:

Ridwaab C/fitaax C/laahi 6,080$
Xamdi Abshir C/lle 8,140$

Dhalinyarada la xukumay ayaa loo wareejiyey Magaalada Garoowe Halkaas oo Xukunka Xabsiga ay ku qaadan doonaan.

 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply