JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Mulkiilaha Facebook Oo Muddo Uu Diin Laawe Ahaa Kadib Iyo Diinta Loo Malaynayo In Uu Raacayo –

Published: January 21, 2017, 1:29 pm

Mulkiilaha bar-kulanka bulsho ee Facebook, Mark Zuckerberg ayaa ku dhawaaqay in uu mar labaad ku soo noqday diin aaminista, kadib markii uu muddo uu ku jiray xaalad diin la’aan ah.

Aasaasaha degelkan dunida ugu caansan ee Facebook oo muddo ka hor boggiisa Facebook ku sheegay in uu diimaha oo dhan ka baydhay, ayaa 25kii Diisambar boggiisa Facebook ku faafiyey hambalyada ciidda Masiixiga ah iyo ciidda Yuhuudda ee  Xanuuka oo ay isa soo galeen, isaga oo sheegay in isaga, oo uu sheegay in isaga, xaaskiisa Priscilla Chan, inantooda yar ee Max Zuckerberg iyo eygooda Beast ay hambalyo dirayaan munsaanadda ciidan Masiixiga iyo Yuhuudda ee is galay.

Sida lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Huffington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka, salaantan uu Zuckerberg diray ma’ay ahayn salaan keliya oo af gobaadsi ah balse waxa uu farriintiisa ku sheegay arrimo dhinaca aaminsanaantiisa diinta ah oo aanay dad badani ogey, “Yuhuudinimo ayaa aan ku barbaaray, kadib waxaaan soo maray muddo aan ka shakiyey diimaha” Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in uu haatan dib ugu soo noqday diimaha isaga oo u arkay in ay muhiim tahay in diin la aaminaa, waxa aana hadalkiisa ka mid ahaa, “Laakiin hadda waxa aan aaminay in diintu ay muhiim tahay” Mark Zuckerberg ma’ uu faahfaahin diinta uu aaminay, balse qoraalkiisan uu kaga hadlayey arrintan ee uu Facebook soo dhigay waxa uu cinwaan uga dhigay, “U dabbaal degga ciidda Miilaadiga”

Waxa kale oo la og yahay in Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan ay xagaagii ina dhaafay xarunta Vatican ka kula kulmeen wadaadka ugu sarreeya mad-habta Kaatoligga ee diinta Kiristaanka Pope Francis kana wada hadleen arrimo la xidhiidha sida ugu habboon ee tiknoolajiyadda isgaadhsiinta loo gaadhsiin karo dadka faqiirka ah ee dunida, waxa aanu Mark Zuckerberg xilligaas sheegay in uu aad ula dhacay waxa uu ugu yeedhay naxariista Baadariga. Kulankan iyo ereyadan Zuckerberg ayaa dad badan geliyey dareenka ah in uu qaatay diinta Kiristaanka, laakiin waxa taas burinaya ficilkii lagu arkay sannadkii 2015kii markii uu booqday dalka  Shiinaha oo inta uu tegey Macbadka taariikhiga ah ee Gaint Wild Goose Pagod oo ku yaalla  magaalada Xi’an (Shii’aan) ee dalka Shiinaha, kadibna uuuku tukaday waxa uu ugu yeedhay, “Duacada nabadda iyo caafimaad qabka dunida iyo qoyskaygaba” waxa  aanu xilligaas baahiyey sawir uu ka muuqdo isaga oo hor rukuucsan / foorara Wadaad Buudhi ah, waxa aanay taasi shakiga ka saartay aaminsanaantiisa diintan Buudhiga.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply