JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Maxaad Ka Taqaanaa Ciqaabaha Kufsiga ee Wadamo kala duwan oo Aduunka..!!

Published: January 22, 2017, 5:30 pm

Ciqaabta Kufsiga ee Wadamo kala duwan oo Aduunka

China ?? – Waxaa lagu xukumaa Dil toogasho ama Xiniinyaha ayaa laga saaraa

Sacuudiga ??– Waxaa lagu fuliyaa Shareecada Islaamka dadka hortooda maalmo gudahood marka xukunkiisa la qaado

Mareykanka ??– Waxay leeyihiin laba nooc oo Sharci ah – Federal Law iyo State Law. Haddii kufsigu hoos tago Sharciga Federaalka waxaa kufsadaha lagu xukumaa dhawr sano ilaa 30 sano oo Xabsi ah

Ruushka ??– Waxaa lagu xukumaan 3 sano oo xarig ah, haddii dhaawac weyn gaaray dhibanaha waxaa lagu xukumaa 10 ilaa 20 sano oo xabsi ah

Masar ??– Ciqaabta kufsigu waa in Xarig qoorta loo suro oo la daldalo

Afghanistan ??– Madaxa ayaa laga toogtaa mudo 4 cisho ah gudaheed

India ??– Waxay adkeeyeen ciqaabta kufsiga wixi ka dambeeyay 2013 marki Sharciga kufsiga lidka ku ah la gudbiyay. Waxay ku xukumaan 14 sano xarig ah, marar aan badneyn daldalaad ama xabsi daa’in

France ??– Waxaa lagu ciqaabaa 15 sano oo Xabsi ah, haddii dhaawac halis ah uu geystay Xabdi daa’in

Iran ??– Waa la daldalaa inta xarig qoorta loo suro

North Korea ??– Isla markiba waxaa toogta Koox Askar ah

Norway ??– Waxaa lagu ciqaabaa kufsadaha 4 ilaa 15 sano iyadoo ku xiran hadba sida dhibta iyo dhaawaca uu geystay ay tahay

Somalia ??– Noo sheeg hadaa garaneyso Sharci la isku wada raacsan yahay oo lagu fuliyo Kufsadaha? Mise waa kala duwan yihiin meelaha qaarkood Tusaale: Shareecada Islaamka, Xeer Qabiil, Sharci Dowlada dejisay oo lagu dhaqmo, Aargoosi beesha dhibanaha in ay dhib kale iyaguna geystaan, Xeer ja-jab sida in si hoose looga heshiiyo, iwm

Share – sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply