fb

Maxaad Ka Taqaanaa Caadooyinka Guurka Ee Ugu Adag Dunida Aanu Ku Noolnahay Maanta..

Published: January 7, 2017, 6:06 pm

Dunidan aynu guudkeeda ku nool nahay,  arrimaha ugu yaaabka badan ee guurka waxaa  ka mid in dalka latin  Amerika ku yaal ee FIJI,  marka ninku doonayo inuu guursado gabadh uu u tegayo gabadha uu rabo aabaheed.

Aabaha  ayaa shardiga uu ku xidhaa yahay in xayawaanka badda ku jira ee  Nibriga u ilkihiisa u keeno. Ninka ayay ku qaadataa  wakhti badan siduu uu arrinkaasi u samayn lahaa.

Waxaana la sheegay inay arrintani  ula jeedaan in la xaqiijiyo inuu kalgacal run ah u qabo guurka iyo in aan raggu ku deg degin furitaanka gabadha uu guursado.

Dalka Monogooliya ayaa isna habeenka arooska caruuska iyo caruusadda digaag yaryar uu keenayaa, kuwaasi oo ay qalaan labadooduba. Markaasi ayaa la eegaa beerkooda, haddii uu noqdo mid wanaagsan oo caafimaad qaba sidaasi ayuu ku dhamaadaa oo arooska lagu bilaabaa.

Haddii  kale waxaa la cayimaa maalin kale oo aroosku dhacayo iyagoo arrinka uu arkaan  faalka wanaagsan ee arooska.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply