JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Maxaa Ka Mid Ah Arimaha Ka Sugnaaday Rasuulkeena SCW Ee Lagu Soo Jiito Bulshada..

Published: January 7, 2017, 6:10 pm

Rasuulka Allah (scw) wuxuu xadiis ku yidhi : “Walaalkaa oo aad weji furan ku qaabishaa waa sadaqo” . Weji furnaanta iyo dhoolcadayntu waa astaan aad dadka ku soo jiidan karto oo aad agtooda ka noqonaysid qof muxtarim ah.

Kibirku isna wuxuu  ka mid yahay ficilada xun xun ee dadka ka fogaynaya, dadku waxay jecel yihiin inay la joogaan kuwa naxariista badan ee dadka qiimeeya.

Dul-qaadka iyo in aad cadhada  ka fogaata-na waa geesinimada, geesigu-na waa kan naftiisa hanta wakhtiga aad loo xumeeyo  ee uu cadhooddo.

In aad ka fiirsato odhaahda iyo hadalka oo aad maamuli karto carabkaaga waxay iya-na ku soo jiidaysaa inay badato qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay.

Waayo ma jiro dhib ka weyn hadalka xun.  Waxaana inagaga  filan xadiiska Rasuulka Allah (scw) “Qofkii Allaah iyo maalinta qiyaame rumeeyay  haku hadlo khayr ama ha iska aamuso”.

Inuu qofku noqdo mid niyad samaan ku nool oo wax kasta ka eegaya dhinaca wanaagsan ayaa ah sabab u noqda inuu qofku hadafkiisa gaadho.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply