fb

Maxaa Dhex Maray Haweeneydii Ninkeeda Ka Dalbatay Iney Magaalada U Casho Doontaan??!!

Published: March 4, 2017, 2:41 am

Haweenay ayaa ninkeedi ka codsatay inuu u kaxeeyo inay ka soo casheeyaan Hudheel cusub oo magaalada laga furay. Waxaa dhex maray wada hadalkan:

Ninki: Hotelkaa aad buu qaali u yahay, ma aadnaa Makhaayad raqiis ah

Xaaski: Maya, kaa baan aadeynaa gabdhaha asxaabta oo dhan kaasay aadaan

Ninki: (Marki uu fiidki kaxeeyay ayuu ku yiri), Hada ka hor ayaa Walaashey habeen isu raacnay Baar wadada aan ku socono ku yaal, Tartan Bur iyo Sambuus cunid ah ayaa na dhex maray, waan ka badiyay

Xaaski: (Intay qososhay) Aniga si fudud ayaan kaaga badin lahaa

Ninki: Maya taa igama badin kartid

Xaaski: Hada na gee aan ku tartanee, anigaa ku tusaya in aan kaa badiyo

Waxay istaageen Baarki, kolki Xaaski cuntay 20 xabo oo Bur iyo Sambuus ah oo ay buuxsantay, ninkina shan xabo dhaafin waayay, ayay ku tiri waan kaa badiyay, waa kaa sow sidaa kuma lahayn.

Habeenkaa aad bay ugu faraxsaneyd in ay banaanka aadeen, wax ka soo cuneen, Tartana wada galeen.

Laakiin ninki wuxuu isagana ku faraxsanaa in jeebkiisa ku xisaabtamaya Biilku ahaa 8$ keliya, wuxuuna ogaa isagoo Romantic jilaya inuu hadana Economic u sameyn karo Practically kuna dhameyn karo caweyskaa Fun iyo Farxad😀

La Wadaag Asxaabtaada


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply