JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Markee bey gabadhu xurmo leedahay! Qormo Xiiso Badan Iyo Qalinkii Canab Maxamuud Shariif

Published: August 7, 2016, 12:59 pm

Markee bey gabadhu xurmo leedahay!

Ugu horeyntii, Ilaah aya mahad iska leh, Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato(NNKH).

Intaas kadib,Allah subxanahu watacaala wuu karaameeyey bani aadamka dhammaantiisa,ragga iyo dumarba,haddaba sidaas ay tahay dumarku way ka sii duwanyihiin,ha ahaato hooyo,gabar ,garoob,duq,iyo wixii la mid ah,hadba meesha ay joogto ayey maqaam gooni ah ku leedahay.

Waxaan jeclahay inaan diirada saaro gabadhaha aan wali reeroobin,qiimaha iyo xurmada ay leeyihiin,qormadeydana aan idinkula wadaago.

Haddaba dadku isku aragti/ garaad, fikir midna ma ahee,waxaan ahaa,gabar afgaaban,hadal badneyn ,xiriirada badana aan ka helin lknse iska bulwaashi ah  oo caqli Alle siiyey qofkii aan arko waan u dhoola cadeyn jiray waana wanaajin jiray mase ahayn qof xaga ragga u janjeerta,dumarka iga waa weyn Ayaan aad u jeclaan jiray la socodkooda iyo sheekadooda,waxaana ku doorbidi jiray inaan ka helo waayo aragnimo iyo khibrad  dheeri ah inaan ka kororsado si hadhow aan dib ugu aayo,waxaan ahaa qof gurigooda iyo waxbarasheeda aan dhaafin,markii aan ka kasii baxayo xaafadeyda una socoda suuqa ama goobaha waxbarashada waxaan ahaa qof xijaab weyn wadato /xidhata anoo da’ahaanteyda aysan weyneyn, haddaba waxaa aad I dhibtay hadal ah,intaad xijaab weyntahay ama guriga  dhex fadhido qof fiican heli meysid!waxaan is weydiiyey,,tolow waxaan wanaag,asturnaan,xurmo,qiimo,jid wanaagsan,ku waayey miyaan ku heli qaawanaansho iyo wado xun?.

Haddaba gabdhu waxey qiimo leedahay iyo xurmo :

*Markii ay alle raali galiso kana xishooto,sunnada nabigeena suuban raacdo(NNKH).

*Markii ay ogtahay danteeda,ee aysan dhageysanin  dhag  jalaqna u siinin dadka kale warkooda,waajbkeeda ka so baxdo.

*markey gurigooda joogto,kana dambeyso dadkeeda,waalidkeeda,walaalaheeda,ilama adeeradeeda,ilma abtiyaasheeda,iyo dhammaan,dadka wanaagsan ee qaraabadeeda /ehelkeeda ah ee jecel wanaageeda.

*Markii ay diinteeda iyo dadkeeda ,dalkeeda u adeegeyso.

*Markii ay aqoonteeda  kor u qaado  dhistana nafteeda ,maskaxdeeda iyo jidhkeedaba.

*Markii ay ka faa’iideysato khaladaadkii soo maray nolosheeda hore.

*Markii ay ku fikireyso iney bari ka sii fiicnaato meesha ay joogto manta,markaas oo kale dadka dhanba tixgaliya xitaa kuwa aan ku aqoonin maxaa yeelay waxaa noqotay qof dhan walba isku filan,qof iyadu markii horeba istixgalisay oo ka xishootay Alleheeda,qofkuu hadduu naftiisa barto,garto waxey tahay,dadku wey qiimeeyan go’aankeeda iyo dadnimadeeda,waxeyna gaarta heerka ay dooneyso ama ay hiigsaneynso.

*Markii aysan isku mashquulinin iney raali galiso dadka dhan si walba hadaad isu dhahdo raali gali oo wax walba samee dad uunbaa wali ku dhaliili,waa ineysan ku dhaawicin hadaladaasi.

*Markii ay ka feejignaanto dhargarta xiriirada aan ku haboneyn ee aan u qalmin,oo aysan meel walba ku dhac dhicin,waxaan aaminsanahay inuu ku xidhanyahay qiimahaagu inta aad adigu is gaadhsiiso gabadhyahay.

Guntii,iyo gababadiii Alle tubtoosan ha inu wada duqo isaga qaari ahe,haddaan nahay gabdhaha waa inaan nafteena koreysiina wixi kuu qoran waayi meysid oo aynaan six un wax u raadin Insha Allah.

Wixii sax ah oo  qoreyna waa mid xagga EBBE ka yimid,wixii khaldana waa mid nafsadeyda ka timid.wixi talo / tusaale/waano/aragti ah igu reeb cinwankeyga Insha Allah.

Wabbillahi Towfiiq. 

Qore:Canab maxamud Sharif. 

Taariikh: August,07,2016. 

Email:hayin56@hotmail.com 


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

3 Comments : Markee bey gabadhu xurmo leedahay! Qormo Xiiso Badan Iyo Qalinkii Canab Maxamuud Shariif

  1. nageye says:

    waxaa hubal ah of Allaah rail galiya in Allaah ka dhawrayo wax dhiba nolashiisa buldhada uu LA noolyahay Ku yeeelanayo what iyo Karamo bulshada mid xun iyo mid wanagsan ay xurmenaya qofka sharafkiisu mahan in uu of tixgaliyo e wa in uu Allaah tixgaliyo

  2. daahir xaji mahad says:

    magacaygu waaa daahir xaaji mahad jooga jigjiga
    horta aad baan ugu faraxsanahay barnaamijyada aad bixisaan webka waliba dhanka caafimaadka bulshadiinana baaraarujin fican ayaad u samaynaysaan aniga ahaaana wixii aaan idinka taageeri karo waaan idinka taageeri doonaa insha’alah waaad mahadsantihiin aniga oona shaqaalaha web kala qaad qaadin
    ilahay amarkiii

  3. farhan says:

    qorall aad u xikmadaysan . kuwa wnagsan waxay rafiqoda ahaday kuwa wanagsan, wanaga qofku wuxuu ku jiraa inuu dhowrsanaado . qoraa habdhaqan wanagsan, wanaga halkaa kasii wad allena hakula garabgalo

Leave a Reply