JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Majaajiliistaha caanka ah ee Ajakis oo lagu xiray Hargeysa Kadib…

Published: January 21, 2017, 12:45 am

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi ka qabteen oo ay xabsi u taxaabeen Galabta majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis).

Ajakis ayaa la sheegay inuu transit ku ahaa garoonka magaalada Hargeysa isagoo ku sii jeeday magaalada Jigjiga ee maamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana si lama filaan garoonka ugu soo galay oo ka kaxeysay ciidamo.

Majaajliiste Ajakis ayaa la sheegay in xabsi loo taxaabay gudaha magaalada Hargeysa iyadoo aan la sheegin sababta xarigiisa, waxaase la filayaa inuu la xiriiro Barnaamijkiisa FAALIYAHA QARANKA.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply