fb

Koow Iyo Toban Qodob Oo Shaqsigii Caadeystaa Uu Noqonayo Mid Adduun Iyo Aakhiraba Guuleysta..

Published: March 29, 2017, 9:12 pm

Subax kasta, waxaad leedahay laba doorasho:- Waxaad dooran kartaa inaad guuleysato Ama Waxaad dooran kartaa inaad iska noolaato keliya

Hadaa doorato inaad guuleysato Go’aansato isbedel Ballan qaadid inaad dantaada garato
Wax kasta waa suuragal Sababtoo ah Alle ayaa kula jira Aqri Quraanka aroor & fiid kasta Tuko Salaada waqtigeeda Rejee mustaqbal ifaya.

Ogow, Gudahaaga waxaa ka buuxa karti weli dihan Waxaad leedahay qiime aan xadidneyn Riyadaada ayaa runtii rumoobi karta Waad gaari kartaa wax kasta hadaa dadaal & dulqaad muujiso Allena talo saarato.

Haddaba, haddaa rabto inaad ka horeyso asaagaa (facaa)
1. Wax baro halka kuwa kale ay wahsanayaan
2. Tuko inta ay hurdaan.
3. Xushmee dadka halka ay xamanayaan
4. Qorshe sameyso halka kuwa kale ay qayilayaan.
5. Is diyaari inta ay dib isu dhigayaan.
6. Caawi dadka inta ay caay & ceebeyn wadaan
7. Dhageyso halka kuwa kale ay doodayaan
8. Bilow inta ay iska baashaalayaan
9. Dhoolacadee halka ay waji-kaduudsan yihiin
10. Horay u soco inta ay habacsanaanta ku jiraan
11. Buug aqri halka ay banaanka ka sheekeynayaan

Sidaa darteed, dooro inaad:
Weynayso aragtidaada
Dib u tababarto maskaxdaada
Kordhiso kalsoonidaada
Soo jiidato wanaaga hareerahaaga ah
Ka faa’iideysato fursadaha faa’iidada leh ee hortaada yaal
Horay u tallaabsato maalin kasta
Isu diyaari guushaada
Aamin naftaada
Sameyso Qorshe wax qabad
Su’aal wixi aadan garaneyn
Ka fogow wixi negative ah
Waqti ha ku lumin micna darro
Joogtee wanaag sameynta & faafinta wixi kheyr ah
Noloshu way gaaban tahay. Ha hilmaamin inaad go’aansato waxaad rabto Nolosha, ku dhaqaaqdo iskana hilmaanto wixi ka soo haray.

Share – Sii Faafi


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply