JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Khubarro Maraykan ah oo ku Taliyey in Caruurta Loo Ilaaliyo Ilkahooda Caruurnimo

Published: December 15, 2016, 4:32 pm

Khubarro u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa daraasad ay soo saareen ku sheegay in caruurta oo loo ilaaliyo ilkahooda caruurnimo ay faa’iido weyn u leedahay, marka loo eego in ilko kale loo geliyo.

Khubarradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo University of California ayaa sheegay in loo baahan yahay in markay caruurtu ilka dhacsato meel loo dhigo,  iyada oo lagu bedeli karo kuwa usoo baxa markay ka dhacaan , haddiiba laga daadiyo, ayna yihiin kuwa keliyaata ee si sax ah kaalintaas u buuxin kara.

Khubaradan ayaa sheegay in ilkahani yihiin kuwo faa’ido weyn u leh mustaqbalka ilkahaasi caruurta laga rido markay islaayaan ama ay siyaalo kaleba uga dhacaan, waxaanay intaasi ku dareen in ay macdanta ciridka iyo sidoo kalena afkaba faa’ido u lee dahay , iyaga oo si fudud ula qabsanaaya macdanta ciridka iyo ilkaha ku jirta.

Waxa kale oo ay daraasadoodan oo ay ku daabaceen wargeyska Washington Post  oo uu kazoo xigtay webka Kobciye.Com ay ku daabaceen ay ku sheegeen in  ilkahaasi ka kooban yihiin qaybo unugyo ah oo leh difaac adag, sidoo kalena aad u noocyo badan , halka dadka waaweyni lee yihiin nooc keliyaata oo unugyadaasi ah.

Waxaanay khubaradani kula taliyeen waalidka in caruurta loo ilaaliyo ilkohooda caruurnimo markay ka dhacaan.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply