fb

Khubaro U Dhalatay Sweden Oo Soo Saartay Diyaarad Yar Oo Sida Shimbiraha U Duuli Karta..

Published: December 31, 2016, 6:58 pm

Kooxo cilmi baadheyaal ah oo u dhashay wadanka Sweden ayaa soo saaray diyaarad yar oo ay u sameeyeen baalasheeda sida kuwa shimbiraha oo kale, iyaga oo sidoo kalena u sameeyey baalashaasi gan yar oo awood u siinaaya inay u duusho sida shimbiraha oo kale.

Diyaaradan yar ayay u bixiyeen Waldron, waana diyaarad yar oo Drone ah ama diyaaradaha aan cidi wadin ah .

Matteo De Luca oo kamid ahaa khubaradan ayaa waraysi uu siyey wargeyska Daily Mail oo uu warbixintan kasoo xigtay Webka Kobciye.Com waxa uu sheegay in ay ku fikireen sidii ay diyaaradan yar u bedeli lahaayeen qaabkeeda, iyaga oo u samaynaaya Habka shimbirta oo kale, sidoo kalena u ogolaanaaya inay u duusho sida shimbiraha oo kale, waxaanu sheegay inay meelo badan iska shabahaan, gaar ahaana baalasha iyo yaraanteeda.

Khubaradan oo ka tirsan maxadka sayniska ee  Swiss Federal Institue of Technology (EPFL) ayaa noqotay diyaarad soo jiidatay indhaha warbaahinta, iyada oo leh baalal loo sameeyey sida kuwa shimbiraha oo kale, waxa kale oo ay lee dahay qaabka shimbiraha, iyada oo ku socon karta xawaare aad u dheeraynaaya, sidoo kalena si fudud uga gudbi karta hawo kasta oo ka hor timaada.

Mr Matteo ayaa sheegay in qaabkan ay u sameeyeen diyaaradda ee ah habka shimbiruhu uu yahay mid u saamaxaaya diyaaradan yar inay si toosa u socon karto, iyada oo awood u yeelanaysa inay joog walba ku duuli karto.

Waxa kale oo ay sheegeen in qofku siduu doono u bedeli karo xawaaraha diyaaradaasi, isaga oo isticmaalaaya baalasheeda, waxaanay intaas ku dareen in ay hadda ku jirto tijaabadeedii labaad.

Khubaradan ayaa dhibaato badan kala kulmay intii ay diyaaradan samaynayeen, iyada oo ay ugu weynay isug dheeli tirka baalasheeda culayskiisa iyo intaada kale.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply