fb

Kelmada Wanaagsan Oo Abuurtay Mustaqbal Wanaagsan..

Published: December 29, 2016, 1:20 pm

Markii uu sheekhu ka soo baxay muxaadarada uu jeedinayay, ayaa sheekha waxa salaamay wiil yar oo 15 sano jir ah. Sheekha ayaa soo dhaweeyay waxaana uu weydiiyay magaciisa. Wiilka yar ayaa u sheegay in lagu magacaabo Khaalid.

Sheekha ayaa ku yidhi “ Khaalidow , codkaagu aad ayuu u wanaagsan yahay xafid Quraanka, Allah hakaa dhigo mid ummadda codkiisa macaan ku tukiye”

Sheekh ayaa 20 sano ka dib ku tukaday masaajid, isagoo aad uga helay Imaamkii masaajidka codkiisa, waxaan uu u soo kacay si uu ugu hambalyeeyo codka macanaa ee Allaha (sw) siiyay uu ee ku tukinayo ummadda.

Nasiib wanaag wiilka yari waaba Khaalidkii uu kula taliyay uguna duceeyay inuu Allah ka dhigo xaafid Quraan. Kelmadda dhiirigelinta ah ee aad qof siiso ayaa u abuuri karta qofka rajo iyo mustaqbal fiican.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply